Yaasmiin oo tobanka Maalin daqiiqad daqiiqad u xisaabeysay ayaa maalintii balanta aheyd wacday Falis weydiisayna xilliga loo imaanayo waa ayna u sheegtay in ay u timaado galabta sidii ayaana galabtii lagu soo kaxeeyey.

Falis lana keenay xaafadii Walaasheed Yaasmiin oo aad loogu soo dhaweeyey Aamow oo aheyd gabar guriga ka shaqeysa ayaa markii ay soo gashay is bartay kuna tiri.

 

Amow:

Wallow uu aragaaga manta igu horeeyo haddana waxaa tahay qof aan si wanaagsan u aqaan maxaa yeelay walaashaa Yaasmiin ayaa mar kasta iga kaa sheekeyn jirtay

 

Falis:

Maasha allah aniga iyo iyada waxaanu aheyn kuwa mar kasta aan kala tagin laakiin guurka ayaa na kala fogeeyey waase illaah mahadiis iminka kalama fogaan doono

 

Yaasmiin:

Inshah allah

 

Falis markiiba qolkii loo diyaariyey ayaa la geeyey oo alaabteedii ay dhigatay sheekana ugu soo baxday Yaasmiin xageeda oo ay dooneysay in ay hooose u la hadashao waxaana dhexmartay sheekadaan.

 

Falis:

I waran Yaaska maasha Allah gurigaada waa qurux badan yahay waliba si quruxsan ayaa loo qalabeeyey ma dooqaaga mise.

 

Yaasmiin:

Wixii sharaxaad ayaa dooqeyga ah balse markii hore waxaa guriga qalabeysay gabar ay Mursal meel ka wada yimaadeen oo ku saaciday sida aad ogtahay arooskeena waxa uu ahaa deg deg.

 

Falis:

Haa wallaahi Sureer ayaa ii sheegtay in kii Qadar ahaa markaan soo tagay inuu cagta cagta kuu saaray balse waa illaah mahadiis Mursal oo waxgarad ah ayaa rabiga ku waafajiyey

 

Yaasmiin:

Waa sidaas hadalka Qadar waxa uu ahaa gabadhaan guurso ama yaanan illinkaan laguugu arkin isagaaba go’aanka noo qaaday

 

Falis:

Hooyo iyo Aabe ma isagayayay ku raaceen

 

Yaasmiin:

Aabe waa uu ku raacay laakiin Hooyo in hadalka sidaa loo dhigo waa ay ka soo horjeeday laakiin xiisada xilligaa jirtay dartii ayaa ka yeeshay in hadalkeeda aan la dhageysan.

 

Falis:

Ka waran hadda yaa kuu yimaado reer Warsame

 

Yaasmiin:

Cidaan Hooyo aheyn ima timaado Aabe markaan guriga tago waan arkaa laakiin ninkii Qadar ahaa wejigiisa xilli igu dambeysay ma aqaan

 

Falis:

Yaaska hal mid Ayaan kaa codsanayaa aniga ma doonayo cid ka mid ah reer Warsame Kabaweyne in ay xaaladeyda ogaadaan xataa Hooyo haddii ay timaado ma doonayo in ay I aragto mana rabo in la ii arko qof nolosha mar kale iyaga u baahan ileyn iyagaa xariiqin ii dhigay oo igu yiri ha inoogu imaan geeri iyo Nolol Baahi iyo dhereg marka ma doonayo in xaaladeyda ay wax ka ogaadaan waliba in aan gurgaaga joogo.

 

Yaasmiin:

Xataa ma Hooyaa waa ku side ma ogtahay Falisey Hooyo in ay xilli kasta kuu murugoon jirtay mar kasta oo ay xaafadeyda timaado adiga uun ayaa ay kaa sheekeyn jirtay.

 

Falis:

Aniga Hooyadey ma nacbani laakiin xilligaan ma doonayo in aan arko

 

Yaasmiin:

Maxaad sidaa u leedahay aniga waxaa ila haboon in Hooyo aad la kulanto waan kugu raacsan nahay in qaarka kale ee reerka aad ka fogaado laakiin Hooyo waa Hooyo waa ku sidee Falis

 

Falis:

Si kasta taa ma ii balanqaadi kartaa in aad sirteyda ii xafido oo reerkaan I deyriyey aadan iga sheegin

 

Yaasmiin:

Sidaa jeceshahay

 

Sidii ayaa lagu kala aamusay Yaasmiin xaga kushiinka ku aaday iyada oo si weyn ula qaldan tahay Falis mana ku raacsaneyn in Hooyo laga qariyo in Falis ay gurigeeda joogto

 

Qadar mar haddii uu ogolaansho uu ka helay Samiira waxa kaliya ee uu ka fakiro ayaa aheyd mar kasta arrinta guurkiisa maalintii in ka badan sedex jeer ayaa uu soo wici jiray oo waliba wax badan oo ku saabsan qaabka guurkooda uu ku weydiin jiray Samiira inta ay la yaabto ayay ku qosli jirtay oo waliba ku oran waa xilli hore hadda kama hadleyno.

 

Yaasiin mar haddii ay Falis kala dhamaadeen qolkii uu deganaa uu u dhamaday waqtigii kiradiisa ayaa uu alaabtana halkeedii ku iibiyey iyada oo aan lala socodsiin hooyadiis iyo aabahiis xogaagii uu ku iibsadaydana uu ku suuq galay ilaa inta uu lacagta heystay marnaba ma hor istaagid waalidkii iyo gurigooda Aabe Cali Muran oo aan xanuun badan ku heyn Yaasiin maalina ma soo hadal qaadin markii loo sheegay in gabadhii uu furay alaabtii gurigana uu iibsaday Hooyo Batuulo ayaa maqnaashaha wiilkeeda la weynaa yaase u sheega in xanuunka ay iyada u dareemeyso inuusan u heyn.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com