Caawa waa habeen ka mid ah habeenada ay kulmaan Samiira iyo Qadar oo sida badan usbuuci labo habeen kulma waxaana caawa hadal badan ku jira ninkii Qadar ahaa oo beryahaan xaalad aroos ku jiray waxana markii la isku yimid hadalka furay Qadar oo yiri.

 

Qadar:

Aad ayaad u nuureysaa caawa beryahaan oo aan ku arkin miyaa

 

Samiira:

Adiga ayaa beryahaan dabeyl kale ku siday mooyee qurux intii aad igu ogeyd Ayaan weli sidaa oo siyaado ma jirto.

 

Qadar:

Aan mid ku weydiiyo ilaa iyo hadda waxba igama aadan sheegin nooca aroos ee aan qabsaneyno.

 

Samiira:

Haddaan adiga kuu daayo ka waran oo aad adiga noo xusho

 

Qadar:

War aniga waxaas waa la iga fiican yahay

 

Samiira:

Mid iga qor caawa adiga Ayaan ku doortay oo aan rabaa in aan xaaskaaga noqdo reerna kuu dhaqo kolay kuwa jaceylka uu kulmiyey ayaan nahay calafka haddii uu isu kaaya simo adiga Ayaan xil ku saaray oo gabadhaan quruxda badan ee aad ku waalan tahay waxa ay kaa istaahisho ka bixi.

 

Qadar:

Samiira Macaanto waad I xujeyneysaa

 

Samiira:

Maya Macaane waan kugu kalsoon nahay nafta igu jirtana adiga ayaa ay kuu joogtaa qiimee kadibna ka xoolo dhiib sow war cad maaha.

 

Qadar:

Gurigeena waxaan ka deganahay qeybta sare waliba qolka ugu weyn uguna neecaawda macaan ka waran haddii aan midkaas ku aqal galno badalkii aan guri goono degi laheyn.

 

Samiira:

Gabar waalidkeed la kortay Ayaan ahay mana qabo in waalidkay cusub aan ka dheeraado ileyn in badan Ayaan u baahan nahay.

 

Qadar:

Micnaha waad ogahay in reerkayga aad la noolaado

 

Samiira:

Haa waaba mid aan ku faraxsan nahay

 

Qadar:

Hooyadey hadalkeeda run ayaa uu ahaa marka

 

Samiira:

Maxay hooyo ku tiri ma anigey ii qiimeysay

 

Qadar:

Waxay igu tiri haddii gabadha ay xiriir dhow la leedahay Hooyadeed ma diidi doonto in ay sodohdeedna la noolaado.

 

Samiira:

Waa runteed maxaa yeelay aniga hooyadaa waa hooyadey oo kale waxaan hooyo aheyn ma oran doono ileyn Qadarkaan jeclaaday ma hooyadiisa Ayaan diidi karaa waa maya.

 

Qadar:

Maasha Allah Macaanto laakiin dhinaca kale Ayaan weli dariiq ii ifin maxaa yeelay waxaan ogahay in gabadha wiilka ay guursanayo wax ay kula heshisaa jiro maxaad igula heshiineysaa oo aaan kaa bixiyaa waad ogtahay in aan ahay nin dhaqaalo xereynin Alxamdullahi wax uun ii sheeg macaanto.

 

Samiira:

Macaane adaan ku doortayee bal meesha aan kaa istaahilo I dhig bes waa intaa

 

Qadar:

Si kastaba Waxaan hubaa in aan meel hoose ku dhigi doonin illaahay ha isu kaaya simo

 

Samiira:

Ma malayn kartid sida aan u dhararayo anagoo qol ku wada nool oo aan kala xijaabaneynin

Qadar:

Inshah Allah maalintaa ma dheera waxaana ahaan doonaa kuwa nolosha farxad ku wadaaga

 

Samiira iyo Qadar balan adag ayaa ay meel dhigteen wallow xilliga guurkooda uu waqti naga xigo haddana Qadar ayaa ahaa cida degdegeyso xiisahana uu ku weyn yahay.

 

Falis xaafadii walaasheed ayay ku nooleyd sidii ayay kaga dhuumaneysay reerkeeda wallow intii ay joogtay ma jirin cid timid oo xagga reer Warsame ka socotay.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com