Sheekadii Libin Jaceyl iyo Qeybtii 69aad

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com

Ninkii Qadar ahaa bishii ayaa gabo ku ah hadana inuu bil kale sii joogayo ayaa loo sheegay isaga tani cadaab ayay u aheyd muxuuse sameyn karay hadalka aabihii ma diidi Karin xilli hore ayaa uuna u sheegay Samiira oo maalmahaan si kusime ah u aheyd Guddomiyaha ardayda maadaama guddoomiyihii iyo guddigii ardayda si kedis isu casileen is qabqabsi maaliyeed oo jiray dartii sidaasna ku aheyd Mashquul badan ay ku diyaarineysay Doorashada Guddoomiyaha cusub qadka uma soo geli jirin si joogto ah balse fariimo subaxa ah ayaa la is weydaarsan jiray oo qofba qofka kale ugu sheegi jiray inuu nabad qabo tani waxa ay cadaab u aheyd Qadar oo aad moodo in aragtideeda uu ku ildoogsan jiray haddana waa uu ku qasbanaa inuu teeda yeelo ileyn waxbarashada waa nolosha ugu muhiimsan ee Samiira oo qoys aqoonta ehel u ah ka soo jeeeday

Waa subax Jimco caadiyan xilli hore ma toosto Samiira markii ay barqadii soo toostay ayay qadka u gashay iyada oo ku taqiinay inuu fariin u sii reebo Qadar balse saaka fariin iyada ay aad ula yaabtay ayaa u taalay waa erayo sugaan ah oo waliba dareen xambaarsan oo uu Qadar ku cabirayo kala fogaanshahooda sida ay dhib ugu tahay jaceylka uu u deyn la yahay ereyada uu Qadar soo qoray ayaa aheyd heestii Dhoof Caanshaq ee Abwaan Maxamed Cali Kaariye heestaas oo uu ku luqeeyey Fanaanka weyn ee Xasan Adan Samatar
Waxaana miraha heesta ka mid ah
JACEYL AAN DHAMAAN BAA
DHEXDA IGU MARANOO
KII HORAA I DHAAWACAY
KANNA WEYGU DHAATEE

DHABUHUU KA FOOFIYOO
DHIB U QAAD MIYAAN AHAY
DHARAARABA WAX YAABLAA
IGU SOO DHACAAYEE

ALLAYAHOW DHIB BADANAA
ADOO DHOOFAY CAANSHAQA
DHUL SHISHEEYE KAA HELAY

WAABAN SOO DHAQAAQEE
DHIIRANAA IL ADAGAA
DHABBAHA YUU LA SOO MARAY
DHOWR HABEEN DIYAARAD
MEEL AY U DHIHI BUU
DHAQSO IIGU YIMIDEE
DHEEREEYE MAXAA SIDA

WAXAAN KALOO LA DHEYGAGAY
KORONKORTA DHIRTEEDII
DHULKOO HODAN AH GEEDAHA
DHAYNTIYO CAMBAHA IS XERAY
KEYN LIBAAXA ILMAHA DHIGO
ANIGOO KA DHUUNTOO
IGA SOO DHEX SAAROO
DHAAYAHIISU FURANAA
MA DHAL OWLIYAAD BAA

HURDO MIYAAN DHAKOOLAA
DHAN MARKAAN U SEEXDABA
SOW DHOOL LA MOODDII
DHABTA ANOO KU HEYSTA
KUMA SOO DHADHABAYO
DHEELALOW MA SOO KACO

SOOMAALIYA DHANKEEDII
DHAWAAQ FARAXLE MOOYEE
DHIILO KAMA SUGAAYEE

ALLAHAYOW IYADA OO AAN DHIMAN
DHABAN QURUXSANOO LADAN
KALGACALKIYOON DHICIN
WALIBA DHEERI SII KORAY
DHULKIYOW BARWAAAQAA
ALLAHAOW I NABAD GEE

Samiira ereyada macaan ee ay arkeyso ayaa ay aqbali weyday cida soo qortay inuu Qadar yahay oo aan ku ogeyn in suugaanta uu xiiseeyo balse iyada kama liidan markiiba jawaab aan ka liidan ayay u dirtay

LABADII SOORYO WADA CUNAY
SAHAN DHEERNA WADA GALAY
SAAMEEYEY CAANSHAQU
MID HADDUU SOCDAAL TAGO
SANADO DHOWRA MAQAN YAHAY
SALAANTIYO JAWAABTII
KAN KALAA SUGAAYEE
ILEYN WAA SADKIISEE
KII AAN SUGAAYEY
SEYGEY AHAAYOO
I SUGOO YAANAN SOO NOQON
SIDAA LAMA AMAANEYN
SALFUDEYDINA MAAYEE
SAHALANAA AMUURANA
BAL AAN SAADSHO MAANTABA
SIDEY NOQON ALLAA OGE

Markiiba waa u dirtay nasiib xumase isaga qadka kuma jirin oo maalintaas dekada Dubay ayaa uu ku maqnaa oo uu howlo u aaday Samiira maadaama aysan maalintaa jaamacada fasax ka aheyd waa ay dharareysay inay hesho Qadar hilowgana la qeybsado dhowr jeer oo ay qadka ka fiiriasanay kuma jirin markii dambe fariin ayay u dhaaftay oo ay ugu sheegtay inuu soo Waco.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com