Sheekadii Libin Jaceyl Qeybtii 68aad

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com

Qadar nin la weeraray ayaa uu ahaa oo kii jaceyl ahaa uu ukumo dhigtay xataa haddii ay Xabiibtiisa ka seexatay oo nabad ku seexisay waa uu hurdi la’ayahay waxa uuna markii ugu horeysay noloshiisa uu bilaabay inuu heesaha jaceylka dhageysigood badiyo oo uu la saaxiibo kuwooda calaacalka ah Samiira oo ah qof suugaanta iyo heesaha aad u jecel waa ay moogtahay in Qadarkeeda uu xeydaabka jaceylka loo saldhigay.

 

Falis noloshii xaasnimada oo aan macno badan aan ku dhisneyn ayay ku jirtay iyada iyo Yaasiin sidii lamaano isqabo uma nooleyn nolosha maba wadaagaan maxaa yeelay iyada oo hurada ayaa uu waaberigii yimaadaa isaga oo hurdana waa ay soo shaqo tagtaa ileyn nolosha reerka qofta u kacda oo u kufta waa iyada mar haddii ay kii nolosheeda masuuliyadeeda qaatay uu noqday nin nolosha ka dhacay maqaayadeedii ayay waqtigeeda ku qaadan jirtay wallow xilliyada qaar ay dib isu xisaabi jiray dib u milicsan jirtay noloshii ay ka timid iyo mida ay iminka ku jirto waxay dib u gocon jirtay hadaladii Yaasmiin iyo sida ay kaga digi jirtay Yaasiin in aysan isu dhiibin hadana maxay qaban kartay nolol ay u bareertay in ay tahay ayay arkeysay waxayna isu sheegeysay inay qasban tahay ku samirkeeda ileyn guurka waa god gacan u deyso cidina ma garan karto waxa ay kala kulmeyso

 

Mursal tan iyo markii ay Yaasmiin afkeeda furatay waxaad moodaa inuu xoogaa isa soo badalayo wallow uusan si buuxda ugu soo dhawaan xaaskiisa hadana waxaa uu iska yeelaa inuu si uun ugu badalan yahay dhaqankii hore loogu dhaliilay

 

Waa xilli duhur ah Mursal waxa uu ka soo rawaxay shaqada markii uu xaafada yimid ayuu qolkiisa jiifka u gudbay markii uu dhar badashay ayuu damcay inuu sariirta wax yar isku kala bixiyo misana warqad ayaa sariirta u saarenyd markiiba waa uu soo qabtay oo uu aqriyey arrin uu aad ugu farxay ayaa ku qornaa waxa ay aheyd warqad isbitaal oo lagu cadeeyey in Yaasmiin ay Uur leedahay inta uu si dhab ah u dhoolacadeeyey ayuu ku soo cararey Yaasmiin ooo jikada aan weli ka soo dhamaan oo karis heysa inta uu gadaal isaga duubay ayaa uu yiri

 

Mursal:

Yaasmiin warqada aan arkay ma run baa macaanto ii sheeg ma owlaadeyda ayaa kugu dhex nool ii sheeg macaanto

 

Yaasmiin inta ay isa soo jeedisay ayay si xishood ku jira u madax ruxday iyada oo u qireysa in ay sax yihiin

Mursal inta uu laabta geliyey ayaa uu ku yiri

 

Mursal:

Runtii dhaxalkayga ayaad dhistay macaanto ii sheeg maxaad jeceshahay oo aan kuu sameeyaa wax uun iga dalbo aniga ayaa ku faraxsan in aan kuu yeelo

 

Yaasmiin:

Runtii ma fileynin in sidaan oo dhan aad ugu farxeyso maxaa yeelay waxaan aaminsan nahay in waxba xagaaga ka joogin

 

Mursal indhahiisa ayaa ilimo ku soo joogsaday oo uu ku yiri

 

Mursal:

Yaasmiiney maxaad sidaan oo dhan iga rajo dhigtay sow ma ogid in aan lamaano is qabo aan nahay oo meel ku wada nool nolosha cida kaliya ee aan heysto aad adiga tahay waa ku baryaa I cafi waa balan in aan cidina kula simi doonin inta aan kula noolahay

 

Yaasmiin:

Aniga mar kasta waad ila weyneyd mana dhicin in aan kaa rajo dhigo laakiin mararka qaar Ayaan sheydaanka iga xoog badiyo oo ii sheego in aan xagaaga waxba ka heyn

 

Mursal:

Manta wixii ka dambeeya aniga Ayaan ogolaan doonin in sheydaankuba uu kuu soo dhawaada nolosheyda cida kaliya ee ay tabeyso waa adiga macaanto

 

Markiiba waa uu isku duubay oo si baaxad leh u dhnkaday Yaasmiin oo ilmeyneyso ayaa ku tiri

 

Yaasmiin:

Runtii farxadaan in aad mar uun igu qaabili doonto marnaba ma niyeysan macaane sida aad laabtaada ii gelisay aan ugu jiro inta nolosheyda ka dhiman midaas ii balanqaad

 

Mursal:

Ma cid kaa darajo sareysa ayaana adduunka joogto midii dhaxalkayga dhistaa tahay macaanto abid sidaan Ayaan kugu dhawaan doonaa

 

Maalintaa farxada adduunka oo idil iyaga ayaa ay dul hoganeysay si buuxda ayay isugu faraxsanaayeen qofba qofta kale ayaa uu ka fogaan waayey si wadajir ayay markii ugu horeysay ku wada cunteeyeen farxada laguma kala liidan maalintaa

 

Yaasmiin cida kaliya ee ay ka tabeysay maalintaa waxa ay aheyd Falis oo u aheyd saaxiibta marna walaasheed laakiin ma jirin meel ay manta kala xariirto oo ay farxadeeda kula wadaagto

 

Waa xilli barqo ah Falis waa ay ka maqneyd maqaayadeeda waxaana ku sugnaa Aweys oo kaliya Kun jirow iyada ayaa uu hore u racay waxaa Aweys u soo galay Yaasiin oo sida caadada ah xilliyadaas quraacda halkaan ka soo doonto markii uu gudaha u soo galay ayaa uu Falis raadiyey misana ma joogto Aweys oo shaqadiisa heysto ayaa u tagay oo uu ku yiri

 

Yaasiin:

Maxaa jira manta sow cid ma joogto aaway Falis

 

Aweys:

Aniga ayaa joogo Falisna waxa ay jirtaa qolada korontada oo xoogaa xisaabtooda bishaan qaladaad ka jiray

 

Yaasiin:

Halkuu qaladka ka yimid sow nal kaliya ma isticmaashaan ma idinkaa saacada idiin xeran tahay

 

Aweys:

Saacad waa inoo xeran tahay sow ma ogid in aan qaboojiye la keenay

 

Yaasiin:

Oo kaalay Falis ma sidaas ayaa uu dhaqaalaheeda u kacay oo ay ku awooday in ay Freser iibsado

 

Aweys:

Illaah ayaa mahad leh Falis qof iimaan leh waaye illaahay waa u barakeeyey

 

Yaasiin markii quraacdiisa uu cunay ayuu abaaray maqalkii lacagta lagu xareynaayey si uu lacag kaga baxsado misana waa uu xernaa markii uu arkay in ay xeran tahay ayuu Aweys ku yiri

 

Yaasiin:

Kaalay furaha ma qaadatay

 

Aweys:

Aniga ayaa haayo maxaad ka rabtaa

 

Yaasiin:

Maxaad ka rabtaa maxaa la yiraahdaa lacag Ayaan rabaa ii fur ama furaha I sii

 

Aweys:

Maya Yaasiin aniga amaano ayaa uu igu yahay shilin kuma siin karo ma fahamtay

 

Yaasiin isaga oo caaytamayo ayaa uu baxay Falis oo kor dheer ugu jeeday ayaa markii ay soo gashay ku tiri Aweys

 

Falis:

Yaasiin oo sii baxayo Ayaan arkaayey ma quraacday

 

Aweys:

Haa

 

Falis:

Armuu kula dagaalay

 

Aweys:

Walaahi walaashey ninkaaga si fiican ayaa u taqaan furaha I sii ayaa uu igula dagaalay aniga amaano ayay igu tahay ayaan ku iri

 

Falis:

Yaasiin si fiican Ayaan u aqaan aniga ayuuba isku dayaa inuu lacag si xoog iga qaado ma adiguu kuu daahayaa waa nin qariban

 

Falis maalin kasta lacag baabuur raac ayaa uu ka qaadi jirtay waana hubtay haddii uu lacagteeda fursad ku helo inuu qaadan lahaa si uu baqtiga uu cuno ugu gado illahay saaka waa dhaafiyey oo Aweys ma noqon mid si sahlan looga qaado furaha.

Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com