Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 104aad

Qadar murtad ayaa mininka kaga qasnaa Salaadii Maqrib kadib ayaa uu ku soo laabaty guriga markii uu imaanayey Samiira Casho diyaarin ayay ku jirtay Qadar fursad yar oo uu ku dhar badasho kuna qubeysto ayuu helay balse wax walba waxa ay is badaleen markii ay qolka soo gashay Samiira isla markaana Qadar oo muraayada taagan ayay ku tiri. 

 

Samiira:

War I maqal ninkaagan yaa awood kuu siiyey in nafteyda aad u go’aan qaado miyaadan la socon in wax xiriir oo magac leh uusan noo dhaxeyn maxay tahay riyada aad Is gelineyso waan kuu digayaa marnaba ha ku dhicin in arrimahaeyga gaarka aad faraha la soo gasho

 

Qadar:

Macaanto aniga kuma fahmin 

 

Samiira:

Waxba ha i macaansan ee I maqal ka bax arrimaheyga

 

Qadar:

Waaa yahayee bal si waadax wax igu sheeg aniga kuma fahmin

 

Samiira:

I maqal Qadar waxba ha igu beer jileecsanin shaqooyinkaaga aan ka dheregsan nahay yey tahay cida kuu wakiiladay in aad aniga shaqo ii dirto sidoo kale aad dadkoo kaga dhaadhicineyso in aad tahay nin wanaagsan oo xaaskiisa horumarkeeda jecel adiga iyo aniga waan is naqaan hana ku dhicin in sidii dhoociladii aad ila dhaqanto kana bax nolosheyda hana I moodin mid sidaa oo dhan daciif u ah.

 

Qadar:

I maqal Samiira aniga farxadaada oo kaliya Ayaan goobayey ee belo kale ma jirto adigana si qaldan ayaad ii fahamtay.

 

Samiira:

Waa aniga kaliya cida garan karta qayaamooyinkaaga farxadeyda waa tii aad hore u kufsatay ee I maqal heesta kuu shidan ee beenta ah ka bax.

 

Qadar:

Haddii aad tiri farxadeyda adaa hore u qaribtay bal hadda maxaa diidayo in aan kula raadiyo oo sidii riyadaada aheyd aan kula goobo ma dhib ayaa taa ku jirta.

 

Samiira:

Dhibkaba waa adiga ee iga hor wareeg

 

Qadar:

Waa yahay si aan farxadaada luntay aan u soo celiyo maxaan kuu yeelaa ii sheeg aniga waa ay I dhibeysaa in aad ku arko adiga oo dhibtoonayo ii sheeg caawa maxaan yeelaa.

 

Samiira:

Dheelalowga in aad ka baxdaa kuu wanaagsan arrimaheygana shaqo kuma lihid 

 

Qadar:

Intaan ka xaga maxaan sameyn karaa Samiira aniga qaladkayga waan qaatay waana ku raaligeliyey ogow nin xun haddii aan ahaan lahaa falka xun ee aan ku fikiray Ayaan ku dhaqaaqi lahaa sidoo kalana kuma sheegi laheyn in aan sidaa ku fikiray wax walba waxaan ugu dan lahaa in nolosheena ay nadiif iyo shaki la’aan ay ku bilaabato ii sheeg caawa si aad adiga u nafisto maxaan jeceshay ee aad rabtaa in aan yeelo.

 

Samiira:

Kaliya wejigaaga ha i hor keenin waayo ma doonayo in aan ku arko

 

Qadar sariirta ayaa uu quus ugu fadhiistay waxa uuna ku yiri

 

Qadar:

Sidaad jeceshahay wejigayga ma arkeysid waa haddii aad adiga ku nafiseyso kaliya adiga hadalkaan ha ka shalaan haddiiba taa farxaadu tahay qabar wanaagsan sug Samiira.

 

Qadar markiibana albaabka ayaa uu ka baxay Samiira iyada oo aan sina isu dareensiin hadalkiisa ayay hoos u degatay oo filmkeedii taxanaha ahaa iska daawaneysay mar ay aheyd xilligii hurdada caadiyan uu Qadar xaafada ku soo laaban jiray ayaa uu shaki galay Samiira oo durbadiiba la soo booday telefoonkeeda markii ay telkii Qadar ay garaacday ayaa uu sariirta dusheeda ka qeyliyey waana fahamtay inuusan telefoon qaadan Samiira shaki badan ayaa galay hadalkii ugu dambeyey ee uu ku yiri ayay dib u gocotay isna tusinaysay in caawa ay wax qaldan yihiin mar haddii Qadar uusan soo hoyan cidna uma sheegin markiiba waxa ay wacday Saalax oo markii uu telefoonka qabtay dhexmartay sheekadaan.

 

Saalaxey:

Ii waran Dumaashi caawa waad I soo wacdayee

 

Samiira:

Ninkii Qadar ahaa ma aragtay miyuu kula joogaa

 

Saalaxey:

Maya Dumaashi caawa oo dhan maba arkin iminkaan laamiga ka mid xataa kuma arkin armuu caajisay Ayaan is lahaa 

 

Samiira:

Saalax aniga waan cabsanayaa in ay wax ku dhaceen

 

Saalaxey:

Sidee sidaas u leedahay intuu aaday oo aad ogtahay

 

Samiira:

Ma aqaan meel uu aaday laakiin isaga oo xanaaqsan ayaa uu baxay

 

Saalaxey:

Miyaad muranteen

 

Samiira:

Muran xoogan waliba waa ku baryaa orod oo xaafada ka soo raadi ina soo wac arrintaan cid kale oo familka ah ha u sheegin

 

Saalaxey:

Haye dumaashi laakiin qalbiga qeyr u sheeg waxba kuma dhacayaan

 

Samiira:

Inshah allah aamiin

 

Saalax meeshiisa ayaa uu ka baxay oo dhamaan meelihii uu is lahaa waa uu tagayaa ee xaafada oo dhan ayaa uu soo wareegay mana soo arag cid u sheegtana waa uu waayey markii uu ka quustay ayuu is tusiyey inuu magaalada kore u baxay maqaayada Fatxi oo aargada Number 4 ku taal inuu jeclaan jiray si uu hawo u qaado marka uu culeys dareemayo bajaaj ayaa uu laamiga ka soo qabsaday oo uu xagga iyo Aargada Number 4 u ruqaansaday waxa ay aheyd meesha kaliya ee uu islahaa waa uu aadayaa iyada oo weli magaalada ay shidan tahay ayaa uu tagay in cabaar ah kadib ayaa uu arkay isaga oo meel gees ah fadhiya inta uusan u dhaqaaqin ayay Samiira oo daahsatay soo  wacday kuna tiri. 

 

Samiira:

Haye Saalax ma heshay

 

Qadar:

Dumaashi ninkaan meelaha uu galo ee uu isku qariyo aniga oo kaliya ayaa aqaan waan helay welise uma tagin meel gees ayaa uu fadhiyaa oo uu ku fikirayaa.

 

Samiira:

U tag qalbiga u deji aad ayaa uu iga carooday caawa 

 

Saalax:

Dhibmalaha aniga ayaa wax walba xalinayo baabuurkiisana ima muuqda ma aqaan sida uu halkaan ku yimid .

 

Samiira:

Adiga Ayaan kaa war dhowrayaa yuusan ogaanin in aan ku soo wacay ma fahamtay qof wax og ha isaga dhigin 

 

Saalaxey:

Haye Dumaashi 

Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com