Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 104aad

Saalax markii uu intaa yiri ayaa uu isaga oo aan telka damin jeebka gishtay Samiirana markii ay aragtay inuusan damin ayay qadka ku sii jirtay Saalax markii uu dulyimid miiskii uu Qadar fadhiyey ayaa uu ku yiri.

 

Saalaxey:

Haye macallinka caawa halkaan ayaad timid taariikh hore miyaad xuseysaa

 

Qadar oo ku soo buraarugay hadalka Saalaxey ayaa yiri

 

Qadar:

Saalax maxaad halkaan ka soo doontay

 

Saalaxey:

Mid aan beryahaan is wadno ayaa halkaan degan marka shukaansi camal ii waran adiga maxaa halkaan ku keenay.

 

Qadar:

Saalax saxiibow ma xasuusataa xilligaan doobka ahaa sidii aan u faraxsanaa waa kula talinaa ha guursan waa nolol adag midaan hadda aad baratay xataa iska daa yeysan damac guur ku gelinin.

 

Saalaxey:

Saxiibow ma dhib ayaa jira maxay tahay indhahaaga daal ayaa ka muuqda maxaa ku helay ii sheeg.

 

Qadar:

Caawa garab aan ku ooyo Ayaan waayey.

 

Saalaxey:

Saxiiboow sow aniga ma joogi haddii uu dhib jiray maxaad ii soo wici weyday. 

 

Qadar:

Dhibta I heysato xataa fursad ima siineyso in aan ooyo ma og tahay in caawa aan ku fikiray in aan gacanteyda isku dilo oo xataa baabuurkayga aan ogeyn meesha uu ku sugan yahay in aan shil is geliyo Ayaan ku fikiray.

 

Saalax iskaba daayee Samiira oo weli qadka ku jirta oo wax walba maqleyso ayaa fadhiga ka kacday oo naxdin afka u kala taagtay Saalaxey ayaa ku soo dhawaaday oo ku yiri.

 

Saalaxey:

Qadar side maxay tahay daciiftinimadaas sidaas kuguma ogeyn. 

 

Qadar:

Dhibta marka uu kaa bato wax walba ayaad ku fikireysaa ma ogtahay markii aan damcay in aan Baabuurkayga shil geliyo inuu aabahey I horyimid Aabahey aniga bidhaan Ayaan u ahay ma ogtahay sida uu noqon karo marka aan aniga culeyska dunida kaga siibto waan hubaa waa dhibtoonayaa laakiin saxiibow aniga rajo ma lihi mana aqaan waxaan yeelo.

 

Saalaxey:

Waan ku fahmayaa saaxiib adduunyada inta la saran yahay wax walba waa la fishaa laakiin illahay talada saaro culeys kasta fudeyd ayaa ka dambeeya waana hubaa noloshaada waa ay wanaagsanaaneysaa.

 

Qadar:

Waxba ha I laab qaboojin nin nolosha ku guuldareystay Ayaan ahay kaliya aniga farxadeeda Ayaan ka shaqeynaayey ma qalad baa in aan faraxdeeda raadiyo ma aqaan meesha ii dambeyn doonto maxay I dhahday ma taqaan xiriirka noo dhaxeeya xataa magac malaha. 

 

Saalaxey:

Qadarow waa ku side is deji horta ma ogtahay saacada inta ay tahay waa in aan halkaan ka tagnaa.

 

Qadar:

Halkee I geyneysaa.

 

Saalaxey:

Gurigaaga maxaa jira.

 

Qadar:

Maya ma aadayo maxaa yeelay xaaskayga ayaaba wejigayga ku faraxsaneyn sideen u hor tagaa in aysan wejigayga arag ayaa u farxad ah marka nafteyda waan awoodi waayey in aan gooyo ii sheeg maxaan yeelaa sow dow maaha in aan guriga tagin.

 

Saalaxey:

Waxaas waxba ha ka soo qaadin ilko iyo carab ayaa isugu dhow weyna dagaalaan.

 

Qadar:

Saalaxow waxaad ogtahay ayaad iska dabaalineysaa.

 

Saalaxey:

Ka waran haddii aan xaafadeyda ku geeyo

 

Qadar:

Waa ogolahay

 

Saalaxey:

Waa yahayee baabuurkaaga meel ku sheeg aaawayse furaha

 

Qadar:

Meesha aan kaga imid ma aqaanee malaha furaha waa uu ka taagnaa

 

Saalaxey:

Waxaada waa waali maxaad sidaaas u sameysay

 

Qadar:

Hadda lee maa I fahamtay in aan waali ku sugan nahay war baabuur waxba igama galanee I gee xaafada. 

 

Sidii ayaa la isku soo raacay Samiirana sidii ayay qadka ugu jirtay oo ay wax walba u maqleysay markii cabaar la soo socday ayaa uu Damcay Saalax inuu telka ka fiiriyo saacada inta ay tahay markii telkiisa soo bixiyey ayaa uu ogaaday in Samiira ay qadka weli ku jirta inta uu meel dhinac ah ula baxay ayaa uu ku yiri.

 

Saalaxey:

Samiira ma ku jirtaa

 

Samiira:

Haa Saalax xaaladiisa side kuula muuqataa aniga wax walba waan maqlaayey ee waa ku baryaa deji oo caawa xaafadaada gee yaan arrintaan la ogaan. 

 

Saalaxey:

Haye Dumaashi laakiin baabuurkiisa lama haayo

 

Samiira:

Waan maqlaayey mid ayaa jirta inta aan qadka ku jiray qof ayaa ku soo wacaayey sow lagama yaabo inuu baabuurka kuu sheegi lahaa. 

 

Saalaxey:

Sax iminkaaba qof ku jirtaa aan fiiriyo waan kugu soo laabanaa

Saalax durbadiiba uu telka demiyey ayaa waxaa u soo galay Cali Gaab oo ahaa laamiga ku lahaa Dukaan waxaana dhexmartay sheekadaan.

 

Cali Gaab:

Saalaxey ninyow maxaad sidaan ka wadaa immisa saac Ayaan ku wacayaa callkaan dheer muxuu ahaa.

 

Saalaxey:

Ii sheeg maxaad rabtaa

 

Cali Gaab:

Ninkii Qadar ahaa baabuurkiisa ayaa uu kaga tagay laamiga waliba iyada oo uu furaha ka taagan yahay kaalay miyuu waashay ninka. 

 

Saalaxey:

Maya saaxiibow ee aniga ayaa sidaa yeelay ee hadda baabuurka kaxee ee gey garaashka arrintaan cidna ha u sheegin.

 

Cali Gaab:

Kolay furaha beri lee iga soo doono.

 

Saalaxey:

Haye saaxiib

 

Saalax halkii ayaa uu ka soo kaxeeyey saaxiibkiis Qadar waxa uuna keenay xaafadiisa.

Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com