Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 104aad

Saalax markii uu xafada yimid ayaa waxaa soo wacday Samiira oo ku tiri.

 

Samiira:

Haye Saalax xaalkiisa ka waran

 

Saalaxey:

Walaahi ma degna 

 

Samiira:

Saalax isku day in aad dejiso si uu seexdo 

 

Saalaxey:

Waan isku dayayaa laakiin weligay xaalkaan kuma arag Qadar

 

Samiira:

Waan fahmi karaa Saalax waliba wax ma uusan cunin waxa uu cuni karo sii 

 

Saalaxey:

Haye casho ma u doonaa

 

Samiira:

Maya maya keligiis ha ka tagin waa ku baryaa ha ka tagin caano haddii guriga ku yaal u qas mida kale salaada subax haddii uu misajid  ku tukato hore u soo wad si reerka aysan u ogaan inuu maqan yahay anigana cid uma sheegin. 

 

Saalaxey:

Haye Samiira 

 

Samiira sidii ayay ku degtay oo ay sariirta ku tagtay Qadarna caanihii saaxiibkii u keenay ayaa uu labo kobosha ka cabay kadiba iska diiday Saalax ayaa ku qanciyey inuu seexdo balse ma uusan hurdi Karin habeenkiina hadal ayaa uu waaga ugu baryey isaga oo waliba naftiisa hiifayo eedana saarayo ayaandarada haleeshayna ka qoomameynayo.

 

Salaadii Subax ayay sidii ku soo aadeen misaajidka si wadajirna isaga iyo aabaihiis ku wada tukadeen wallow Aabe Warsame uusan waxba fahmin una arkayey in Qadar uu soo daba socday oo ay xalay hal guri ka soo wada kaceen salaada kadib ayaa uu Qadar si toos ah u aaday guriga Samira xilliga uu Qadar guriga soo galaayey waxa ay joogtay qeybta Hoose waxa ayna isla socdeen Aabahiis oo kula dardaarmayey in uu Dekada saaka tago Qadar hadalkaba kuma socon waxa uuna u gudbay qolkiisa waana uu seexday ileyn nin daalan ayaa uu ahaayee.

 

Qadar Hurdo kal iyo laab ah ayaa uu galay Samiira markii ay aragtay ayay hurdada u deysay waxa ayna wacday Saalax oo ay ku tiri.

 

Samiira:

Saalaxow ii waran halkee joogtaa

 

Saalaxey:

Waxaan ku sii socdaa midkii furaha baabuurka haayey si aan furaha ugu soo qaado ka waran Qadar

 

Samiira:

Waa uu hurdaa mana rabo in uu kaco si uu degsado ee mid ma sameyn kartaa waxaa jirta in Aabe uu Qadar kala hadlaayey arrimo dekada ku saabsan una sheegay in saaka uu tago ee shaqadaas maka war heysaa mana soo xalin kartaa si uu hurdo.

 

Saalaxey:

Dhib malaha waa shaqo aan ku filan nahay

 

Samiira:

Waxaan rajeynayaa inuu hurdo fiican hurdo

 

Saalaxey:

Samiirooy maxaan kaa rajeynayaa marka

 

Samiira:

Wanaag Saalax wax kale ha iga rajeyn

 

Saalaxey:

Wanaag side ah

 

Samiira:

Waxaan kuu balan qaadayaa saaxiibkaa oo faraxsan in aad aragto 

 

Saalaxey:

Maasha allah Dumaashi illaahay ha ku dhowro

 

Saalax aad ayaa ugu faraxay hadalka Samiira waxa uuna ilaaway in xalay uusan hurdin sidii ayaana uu ku aaday shaqadii Dekada.

Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com