Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 104aad

Samiira hurdada ayay ku ilaalisay Qadar oo aad u daalnaa buuq oo dhan ayay ka dhowrtay daqiiqad kama tagin oo kursi qolka dhinac ka yaalay ayay fadhisatay waxaana moodaa in qalad ay gashay ay saxeyso.

Wax yar ayay banaanka u baxday mar duhurkii uu soo dhawaa Qadar markaas ayaa uu soo toosay isaga oo iska dareemay inuu wax badan hurday markiiba musqusha ayaa uu galay Samiira oo soo laabatay ayaa dareentay inuu soo toosay markiiba qolka ayay hagaajin u gashay in cabaarna waa ay sugtay Qadar oo musuqusha ku soo daahay markii uu soo baxay ayay Samiira ku tiri.

 

Samiira:

Duhur wanaagsan

 

Qadar:

Wanaagsan waan dareemaa in aan wax badan hurdaayey 

 

Samiira:

Haye Shaah iyo Qaxwo maxad cabeysaa

 

Qadar:

Waxba ha is dhibin aniga ayaa miiska tagayo

 

Samiira:

Aniga wax dhib iguma aha xataa hoos uma degayee oo halkaan ayaa uu igu diyaarsan yahay 

 

Samiira markiiba koob shah ayay si deg deg ah ugu keentay Qadar markii loo dhiibay ayaa uu ku yiri waad Mahadsan tahay balse Samiira intaas kuma ekaaninee waxa ay u soo dhiibtay Xabad Rooti oo qudaar ku jirta oo ay hore ugu diyaarisay balse Qadar oo ka cudur daaranayo ayaa yiri.

 

Qadar:

Maya Samiira iga daa Qadada ayaaba soo dhow 

 

Samiira:

Ma ogtahay qofta haddii uusan quraacan inuusan qadada qaadan Karin hadda mudo saacad ayaa qadada ka dhiman xabadaan Rooti shaahiga ku cab.

 

Qadar si xushmad ku jirta ayaa ugu qabtay markii uu cad yar goostay ayaa uu yiri

 

Qadar:

Aad ayuu u macaaan yahay

 

Samiira:

Gacanteyda Ayaan kugu sameeyey qudaar oo kaliya ayaa ku jirta caafimaad ku cun

 

Qadar:

Maasha allah ma ogeyn maahee xilli hore Ayaan kaa dalban lahaa in aad Rooti ii sameyso

 

Samiira:

Haddaba waqti kaama tagin waad Iga dalban kartaa

 

In cabaar ayaa la aamusay Qadar cunistiisa ayaa uu ku jiray halka Samiira ay isaga fiirineysay Qadar markii uu dhameeyey ayaa u damcay inuu banaanka u baxo balse Samiira ayaa ku tiri.

 

Samiira:

Halkee

 

Qadar:

Alaabta Ayaan banaanka geynayaa

 

Samiira:

Looma baahna aniga ii dhiib ee soo fadhiiso manta oo dhan adiga Ayaan ku sugaayey 

 

Qadar oo xilli kasta ka cabsada hadalada Samiira oo in dhawaalaba ahaayeen kuwa aan farxad gelineynin ayaa yiri.

 

Qadar:

Ma dhib ayaa jira

 

Samiira:

Maya ee in aan kula hadlo Ayaan rabaa kaalay maxaad la naxnaxeysaa sow gabadha ninkeeda lama hadli karto is deji wax dhib ah ma jiree.

 

Qadar oo aan weli nafisin ayaa si tartiib ah u fadhiistay, Samiira alaabtii ay ka qaaday ayay miis goobta yaalay dhigtay xagii Qadarna u soo talaab qaaday sariirtii uu fadhiistay ayay dhinac kaga fadhiisatay xagiisa u soo jeesatay kuna tiri.

 

Samiira:

Wax badan Ayaan manta hurdada kuu dhowray waan dareemayey in aad xalay dhafartay si kasta waxaan ku faraxsan nahay in adiga oo maskaxdaada degan tahay aad I hor fadhisa waana hubaa in aad si wacan ii fahmi doontid.

 

Qadar:

Fahamka mar walba ma tagayo sax waan ku fahmayaa

 

Samiira:

Xalay wixii dhacay aad Ayaan ugu xumahay 

 

Qadar:

Waa runtaa ma aheyn in aan guriga ka soo dhaxo

 

Samiira:

Taa kama wado Qadar waxa aan ka hadlayo waa ficilkii keenay in aad xaafada ka soo dhaxdo waana ka xumahay waan fahmi karaa in hadal aan kugu habooneyn aan kugu iri boqol jeer ayaana kaa raaligelinayaa waxaana kuu balanqaadayaa in aysan mar dambe dhicin.

 

Qadar oo si u farxay sina u doonayo in uu eeda ay isa saareyso Samiira ka dulqaado ayaa yiri.

 

Qadar:

Samiira Abaayo qaladka aniga ayaa lahaa oo noloshaada go’aan u qaaday waana ku qaldanaa.

 

Samiira:

Maya Qadar kuma qaldaneyn adiga mar walba aniga wanaagayga iyo farxadeyda ayaad goobeysay waa aniga cida ku fahmi waaysey.

 

Qadar:

Aniga in aan dhibkaaga arko ma xamili karo waa taa sababta

 

Samiira:

Waa dareemayaa ma ogtahay xalay haddii ay wax ku soo gaari lahaayeen in aad abid nafsadeyda cafin laheyn.

 

Qadar:

Waa illaaha mahadiis in aan bad qabo ileyn aniga waxa I gaara waxaa igaga dhib badnaa lahaa in adiga aad is eedeyso marka si kasta xaalka waa hagaag hadda waana illaaha mahadiis.

 

Samiira:

Qadar hadal kale Ayaan rabaa in aan ku dhaho

 

Qadar:

Waad ii sheegi kartaa

 

Samiira:

in xiriirka noo dhaxeeya uusan aheyn mid hagaagsan waa jirtaa wax badan qaladkaada raali gelintiisa waad I siisay hadana ma aysn dhicin in aan kaa qaado wax badana waad iga codsatay in aan fursad labaad ku siiyo si kalsoonidii luntay aad soo ceshato si kasta Qadar aniga in aan si dhab ah kuu jeclaatay shaki kuma jiro aadna aan kugu kalsoonaaday nafteyda ay diyaar u aheyd in ay isu kaa dhiibto haddana wixii dhacay ayaa dhacay balse manta waxay nafteyda diyaar u tahay in ay fursad ku siiso waxaanse ka xumahay in aan aqoon fursada ay nafteyda kusiineyso inta ay gaareyso ma maalmo mise bil xataa sanad waxaan kaa rabaa in mudadaas ay qaadan karto ii samirto.

 

Qadar:

Ma aqaaan waxaan ku dhaho waxaanse hubaa in toban sanno xataa ku sugi karo

 

Samiira inta qosohay ayay tiri 

 

Samiira:

Toban sano waa badan tahay ma toban da’aad ayaad igu baajineysaa

 

Mar kaliya ayaa la wada qoslay Qadar oo aad ugu faraxsan marka uu arkay farxada ka muuqato Samiira ayaa inta uu u dhawaaday gacmaha qabtay kadibna dhunkaday ayaa uu ku yiri.

 

Qadar:

Wax walba waxaa igala weyn waa farxadaada illaahay ha ku dhowro waan hubaa in maalin aan wada farxi doono.

 

Samiira:

Laf ahaanteyda waan qabaa in kalsoonidii luntay dib loo heli doono 

 

Inta Samiira ay hadleysay ayaa uu Qadarna si dareen leh u fiirinaayey Samiira oo dareentay ayaa inta ay gacantiisa qabatay ku tiri .

 

Samiira:

Kaliya naftaada kalsooni ku qab waan hubaa waad guuleysaneysaa

 

Qadar inta uusan hadlin ayaa Fartuun albaabka soo garaacday kuna tiri Aabe ayaa ku wacayo Qadar Markiiba Waa istaagay oo uu Samiira ku yiri.

 

Qadar:

Aabe saaka ayaa uu shaqo ii diray waa taan iska hurday si baan ku qancin doonaa

 

Samiira:

Shaqadii waa la qabtay waliba Aabana waa ogyahay

 

Qadar:

Yaa qabtay waaba cajiibee

 

Samiira:

Saaka Aabe markii uu shaqada kuu diraayey janjarada hoosteed Ayaan taagnaa waana idiin maqlaayey si aad hurda kaga bogado Ayaan Saalax u wacay shaqadiina u diray Aabana aan waliba ku dhahay Qadar madaxa ayaa xanuunayo shaqada Saalax ayaa aadayo. 

 

Qadar inta uu soo laabtay ayaa uu ku yiri

 

Qadar:

Hooyo waxa ay hore ii tiri goormee nasaneysaa markaasaan ku iri markaan guursado naag aqoon leh oo shaqada ila qabato maasha allah sow sidaan jeclaa rabbi iguma simin. 

 

Samiira:

Inta dhiman illaahay wanaag ha noogu dhameeyo orod Aabe u tag aniga miiska qadada Ayaan soo fiiranaa sida ay gabadhaha wax u diyaariyeen .

 

Qadar isaga oo aad u dhoolacadeyno ayaa uu dhaqaaqay, Samiira oo sii fiirineysay ayaa tiri “Qadarow ogow Aabaha oo kaliya bidhaan uma tihid ee nafteydaba waa u tahay”.

Hadalkaan ayaa noqday mid qalbiga Qadar rajada ku soo celiyey aad ayuuna ugu farxay sidii ayaana ugu tagay aabahiis kadib si wadajir ah u soo aadeen miiska qadada Qadar maalintaa maalin weyn ayaa ay u aheyd waxa uuna jecleystay inuu faraxadaas la wadaago saaxiibkii Saalax oo ahaa ninka kaliya ee dhibtiisa la wadaago.

Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com