Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 104aad

Salaadii maqrib kadib ayaa uu Qadar misaajidka ku kulmeen saaxiibkii waxaana dhexmartay sheekadaan.

 

Saalax:

Saaxiibow dhoolacdeyn iyo farxad Ayaan kaa muuqatee side wax u jiraan

 

Qadar:

Waxaa tahay saaxiibka kaliya ee si wanaagsan ii yaqaan waa runtaa farxadii luntay in ay soo laaban doonto Ayaan rajeynayaa

 

Saalax:

Inshah allah maxaa iga dambeeyey

 

Qadar:

Dumaashidaa hadalkii xalay waa ay iga raali gelisay sidoo kalana waxa ay ii sheegtay in fursad I siineyso waan hubaa dib waan u heli doonaa kalsoonidii luntay.

 

Saalax:

Imminkaba waad heysaa mar haddii lagu yiri fursad Ayaan ku siinaya waan hubaa waa lagu ogolaaday maxaa yeelay qof la rabo ayaa loo ruxleeyaa marka wax cabsi ha qabin waana hubaa reer isku faraxsan ayaad ahaaneysaan.

 

Qadar:

Maasha allah saaxiib mar walba rajo ayaad I siisaa waan kugu faraxsan nahay saaxiib wanaagsan ayaa tahay.

 

Qadar maalmo wacan oo uusan ilaabi doonin ayaa uu galay isaga iyo Samiirana waxaad moodaa in markaan ay isu badin yihiin wax badan sheekada isla gura waase looo joogaa goorta aqblaadeeda ay imaan doonto.

 

Dhanka kale Mursal xaaladiisa aan looga arxameynin ayaa uu haayey waxaase jirtay in Falis beryahaan laf ahaanteeda ay la mid noqotay asxaabta page_ka Mursal sida tooska ula socda waxayna markaan u muuqatay in ay la qabsatay hadalada dareenka leh ee uu Mursal xilli kasta soo dhigo.

 

Qadar tan markii uu xaalka isaga iyo Samiira uu soo yara hagaagay waxaad moodaa in faraxadii beri ka luntay ay u soo laabatay waxaana habeenadaan lagu arkaa guriga qeybta fadhiga oo caadiyan cashada kadib lagu wada kulmo qof kasta ayaana dareemi kartay isbadalka ku yimid Qadar iyo farxada ka muuqatay.

 

Waa Maalin Jimco ah waana xilligii Qadada kadib waxaa saalonka guriga reer Warsame Cali ku kulansan Qadar iyo walaalihii iyo sidoo kale Samiira oo xilligaas soo gashay waxaana hadalka furtay Farxiya oo ku tiri.

 

Farxiya:

Qadarow ma og tahay in maalinta beri ah iskuulada dib loo furayo

 

Qadar:

Oo iminka ayay aheyd imtixaanaadkii goormee la gaaray furitaan

 

CabdiQani:

Malaha beryahaas maalmaha kuuma xisaabneyn

 

Farxiya:

Qadarow markii iskuulka la xeray casho nooma kaxeyn iminka oo la furaayo maxaad leedahay sow miyaanan casho tegeynin.

 

Qadar:

Isbuuca dambe inshah allah

Farxiya oo hadalka Qadar ka niyad jabtay ayaa tiri

 

Farxiya:

Oo beri ma waxaan isuul tagaa aniga oo aan fasaxii dalxiis tagin hadda maxaam u sheegaa asxaabteyda.

 

Qadar:

Oo maxaa la sheegayaa maba aan ku fahminee

 

Fartuun oo qosleysa ayaa tiri

 

Fartuun:

Aboowe Farxiya waa ay kugu faantaa marka iskuul la tago ayay hablaha ku tiraahdaa walaalkay waa sidaa iyo waxaas ayaa uu ii sameeyey marka dalxiiska yar ee aad xeebta Jaseera ku geyn jirtay iyada ma maleyn kartid sida maalintaa faankeeda uu ugu hirgalayo.

 

Mar kaliya ayaa la la wada qoslay

 

Farxiya:

Aboowe aniga haddii caawa la ii kaxeynin usbuuca dambana ma rabo

 

Qadar:

Caawa sina uma suuroobeyso Farxiya inshah allah Usbuuca dambe

 

Samiira oo hadalka soo dhexgashay ayaa tiri

 

Samiira:

Waxba ha xanaaqin Farxiya caawa waa lagu casho geynayaa 

 

Qadar:

Samiira sidee caawa waad ogtahay in shaqooyin badan ii yaalin beri marka ma dhici karto

 

Samiira:

Qadar carruurta waxba ha niyadjebin la hadal Saalax oo Hoteelka ugu wanaagsn miis family ah ha inooga qabto waan wada baxeynaa.

 

Qadar mar hadey Samiira hadashay miyuu wax diidi karaayee inta uu madaxa u ruxay ayaa uu baxay. Farxiya ayaa markiiba ku soo booday oo ku tiri.

 

Farxiya:

Dumaashi Maasha allah illaahay ha igaa dhaafo 

 

Fartuun:

Wallee waad heysaa Farxiyooy cid Qadar wax walba kaaga dhameyso

 

Samiira:

Saalax Ayaan warkiisa sugeynaa inshah allah caawa casho wadajir oo familka oo dhan Ayaan qaadaneynaa

 

Fardowso oo aheyd yaraanka cida oo iyada weligeedba aan loo kaxeyn cashooyinka ayaa tiri 

 

Fardowso:

Samiira abaayo aniga sow idiinba raacayo oo la iima kaxeynayo

 

Samiira:

Oo Yaa kuu diidi kara hee

 

Fardowso:

Aboowe ma ogolaanayo waana uu I reebayaa anigana ima jecla isaga

 

Samiira:

Maya Dooska cid ku neceb ma jirto caawana aniga ayaa joogo waayo cidna kuma reebi karto waadna raaceysaa.

 

Fardow farxad dardeed ayay bood booday waxaase qolka ku soo laabtay Qadar oo yiri

 

Qadar:

Haye miis ayaa la carbuunay caawana waan wada casho tageynaa Farxiyo sow ma faraxsanid hadda

 

Farxiyo:

Aboowe illaah ha igaa dhaafo waa ku jeclahay 

 

Fardowso ayaa markiiba la soo booday

  

“Aniga Hooyo Ayaan u soo sheegayaa si ay dhar wanaagsan igu diyaariso” qadar ayaa gacanta soo qabtay oo ku yiri.

 

Qadar:

Kaalay intee u socdaa yaa ku wadayo adigana 

 

Samiira ayaa inta ay ka qabatay ku tiri

 

Samiira:

Qadar Idaa gabadha waana ay na raaceysaa

 

Qadar:

Samiira tan waa ay dhib badan tahay nama raaceyso

 

Samiira:

Dhibkeeda aniga ima muuqdo waana ka balanqaaday oo waa ay na raaceysaa Qadar iska daa waxba haniyadjabin.

 

Fardowsa:

Abaayo kuma dhihnoo Qadar ima jecla

 

Samiira:

Laakin aniga ayaa ku jecel cidi kuma reebeyso

 

Fardow dhinkasho ayay la dhacday Samiira oo ay waliba ku laheyd “Waaan ku jeclahay intaad adiga ii joogtid cidna ima diidi karto”.

Qadar wallow uusan ogoleyn inla wado haddana waa uu ogolaaday ileyn Samiira ayaa ku adkeysatay..

Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com