Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 104aad

Habeenkii sidii ayaa lagu wada casho doontay waxa ayna aheyd habeen cid kasta ay faraxsaneyd haba ugu darnaanee Qadar oo habeenkaa aan indhaha ka qaadin xaaskiisa Samiira oo uu si xoogan u aaminsanaa in iyada ay keentay farxadaan caawa reerka kulmisay ee cid kasta ku riyaaqsan.

 

Mar cashadii la cunay oo ay gabdhaha Ice Cream (Jalaato) dalbadeen ayaa Samiira oo meel gees taagneyd waxaa u yimid Qadar oo ku yiri.

 

Qadar:

Runtii farxada caawa adiga Ayaan kaaga mahad celinayaa bal fiiri sida ay Farxiya u faraxsan tahay.

 

Samiira:

 Farxadeeda maba la soo koobi karo waxaan la yaabay iyada iyo Fartuun debci ahaan isuma dhawa haddana sida ay isu jeel yihiin Ayaan ka yaabay cuntada sida ay afka isu gelinayeen walaahi waan ku farxay.

 

Qadar:

Gabdhahaan wax kasta waan u sameeyaa waxaanse ka xumahay in Falis iyo Yaasmiin Allaha ha u naxariistee aan aad ugu adkeyn jiray runtii markaan ku bartay nolosheyda wax badan ayaa iska badalay waana mida aan mar walba ugu shalaayo qaladaadkeygii hore. 

 

Qadar markiiba illin ayaa indhihiisa buuxisay Samiira oo dareentay ayaa ku tiri

 

Samiira:

Qadar taa balanteena ma aheyn maxay tahay qiirada sow kuma heshiin in wax walba aan xalay dhalay ka ahaano ma caawa oo kale ayaa qiiro iyo ooyin loo baahan yahay mar walba farxada ku noolow Qadar nolosha kuma xumeyn doonto.

 

Habeenkaas farxada ayaa xaafadii loogu noqday iyada oo Qadar iyo Samiira in cabaar ah habeenkaa sheekeysteen waliba farxad lagu wada seexday.

 

Waa subaxii xigay Qadar iyo aabihii ayaa miiska cuntada ku wada quraacanayo iyada oo subaxaas ciyaalkana iskuulka dib u bilaabeen oo ay subaxaas u wada dareereen Qadar markii uu quraacda soo idleysatay ayaa uu qolkiisa ka soo doontay boorsadii uu shaqada u qaadan lahaa waxaana qolka ku jirtay Samiira oo hagaajin heysay waxa ayna ku tiri.

 

Samiira:

Qadarow Aboowe waxaan rabaa in aan maanta xaafadeena aado

 

Qadar:

Wax daran miyaa jiro abaayo

 

Samiira:

Gabar xaafada nala deganeyd ayaa arooskeeda uu yahay manta oo aan ka balanqaaday in aan u imaanayo

 

Qadar:

Ma taasi ayaa dhib leh waad aadi kartaa 

 

Samiira:

Waad mahadsan tahay kolay galabta Ayaan soo laaban doonaa

 

Qadar:

Hooyo ma u sheegaa oo ma ku dhahaa Samiira meel ayaa ay manta aadeysaa

 

Samiira inta ay qososhay ayay ku tiri

 

Samiira:

Qadar goormee bilaawday in hooyo iyo gabarteeda aad dhexdooda ka shaqeyso

 

Qadar inta uu qoslay ayuu ku yiri iga raali noqo waan qaldamay sidiina ayaana uu ku baxay Samiira xilli hore ayay Hooyo Maryan ku wargelisay in ay Xaafadooda tageyso oo ay maanta halkaas joogi doonto sidiina ayaa ay ku baxday mar ay barqadii ahayd.

 

Qadar sida caadada ah ayaa xaafada ku soo laabatay galabtii waxa uu filaayey in Samiira ay jooto haddana markii loo sheegay in aysan soo laaban ayaa uu in cabaar ah qolka ku jiray mar Salaadii Maqribkii uu soo dhawaa ayaa uu guriga ka soo baxay waxaase nasiib wanaag soo wacday Samiira oo ku tiri I soo doon xaafada Hooyo Ayaan joogaa Qadar markiiba dib aya u soo laabtay oo garaashkii uu baabuurkiisa ku xareystay ayaa uu ku soo laabtay nasiibdaro waxa uu u yimid iyada oo baabuurkiisa baabuur kale ku hor dadban markiiba waxa uu wacay Baafow oo ahaa waardiyaha garaashka oo uu ku yiri.

 

Qadar:

Kaalay meeqo jeer Ayaan ku dhahay baabuurkayga subaxii xilli hore  ayaa uu baxayaa ee baabuur kale ayaan la igu horgoyn.

 

Baafow:

Waa I dhahday runaa sheegoosaa haye maxaa kale

 

Qadar:

Bal firi maxaa kale ayaa uu ku leeyahay kaalay hadda baabuurkayga sideen ku baxsadaa

 

Baafow:

Eee asiga maa waaga baryey heeee ninkaan fijirkii ayaa uu baabuukiisa wadanaa Afgooyo u socdaa adiga xataa waa kaa soo horeeyaa maxaa kale.

 

Qadar:

Doqonyahow hadda ayaa rabaa in aan baabuurka la baxo

 

Baafow:

Haddii ay taa tahay dhib waaye ninkaan xaafadaan oo dhan ma joogo maxaan sameynaa

 

Qadar:

War naga tag Nacasyahow 

 

Qadar waa uu soo baxay waxa uuna laamiga ka waayey wax baabuur aha ilaa in cabaar ah ayaa uu socday waxaase markii dambe uu meel dheer ka arkay baabuurka aabihii waa uu istaajiyey waana uu la yaabay markii uu aabihii arkay oo baabuurka saaran waxa uuna ku yiri. 

 

Qadar:

Aabe ma adiga ayaa saaran haddii xaafada lagu geeyo babuurka Ayaan rabaa oo Samiira Ayaan soo qaadayaa oo xaafadooda joogto.

 

Aabe Warsame:

Oo maxaa helay baabuurkaaga

 

Qadar:

Baabuur kale ayaa igu horgudban

 

Aabe Warsame:

Dhib malaha waan soo qaadeynaa soo kor haye darawal na kaxee oo xaafada Profsorka na gee.

 

Qadar:

Aabe horta adiga Ayaan ku geynaynaa darawalkana iska fasax aniga ayaa baabuurka qaadanaya.

 

Aabe Warsame:

Laf ahaanteyda Profesorka Ayaan soo salaamayaa

 

Qadar ma jecleysan in aabihii uu sii raaco waxa uu doanayey inuu waqti keligood ay isu helaan Samiira oo uu beryahaan xaalkooda soo wanaagsanaayey.

Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com