Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 104aad

Gudaha ayaa hore loo soo galay Profosor Mumin ayaa markiiba soo dhaweeyey maadaama salaada Maqribka la joogay ayaa si wadajir loo tukaday kadibna loogu gudbay qolkii fadhiga Qadar siduu qoorta u tag-taagayey.

Ayaa uu daalay uma jeedo Samiira Aabahiis iyo Profsorkana sheeko u gaar ayaa ay galeen Qadar cabsi uusan garan ayaa uu dareemayey haddana ma fahmi Karin waxa uu u cabsanayo balse waxa uu markii dambe arkay Yusra oo qolka soo gashay ayaa ku tiri.

 

Yusra:

Haye Dumaashi ninkaas aabahaa miyaa

 

Qadar:

Warkaas iska dhaafee aaway Samiira uma jeedee

 

Yusra:

Waa in aan adiga ku weydiiyaa maxaa yeelay adiga naga kaxeystay oo gurigaaga loo guuriyey sidee ii weydiinee

 

Qadar:

Yusra dhibka iga dhaaf aaway walaashaa

 

Yusra:

Dhib maaha Samiira maba aragee

 

Qadar:

Saaka sow halkaan ma imaan

 

Yusra:

Maya, saaka Aabe ayaa iskuulka I geeyey duhurtiina darawalka ayaa I soo qaaday mana arag haddii ay imaan laheyd hooyo ayaa ii sheegi laheyd.

 

Yusra waana ka tagtay oo gadaal ayaa laga wacay Qadar shaki badan iyo cabsi ayaa gashay naftiisa ayaa uu weydiiyey cabsida heysa mana uusan garan Karin Qadar meel gooni ah ayaa uu kelgiis iska fadhiyey odoyadiina sheekadooda ayay iska heysteen waxaana markii dambe soo gashay Hooyo Farxiya oo shaahi iyo macmacaan keentay waxa uuna ku yiri.

 

Qadar:

Hooyo Samiira uma jeedo ee aaway 

 

Hooyo Farxiya:

Waa ay imaaneysaa Maama 

 

Qadar tani murug ayay u aheyd mana garan Karin waxa uu ka cabsanayo haddana waxa uu dareemayaa in ay jirto wax la qarinayo haddana ma fahmi Karin waxaase wax walba ugu darnaa markii uu arkay Hooyadii oo timid waxa uuna ku yiri .

 

Qadar:

Hooyo Maxaa jira oo halkaan ku keenay

 

Hooyo Maryan:

Qadarow Hooyo Aabahaa ayaa ii I  wacay oo igu yiri imaaw maxaa jira 

 

Markiibana hore ayaa ay u sii gashay Qadar yaab iyo amakaag ayaa ka soo haray mana fahmi Karin sida uu xaalka u socda qolka ayaa uu meel ka fadhiyey waxaase markii dambe fadhiga ku soo biirtay Hooyo Farxiya oo si wadajir ayaa labada qoys la isaga soo horjeestay Qadar oo ka fogaa ayaa lagu yiri soo dhawoow Qadar markii sidaa la yiri ayaa uu la soo booday.

 

Qadar:

Waxa jira maad ii sheegtaan maxay tahay waxa meesha lagu karinayo ee aan aniga ogeyn aawayse Samiira maxay iga dhuumaneysaa aniga waad I waali rabtaan wax ha la ii sheego.

 

Hooyo Farxiya:

Maya wiilkayga Samiira waa ay soo socotaa teeda kale wax weyn ma jiro ee is deji kaalay agteyda soo fadhiiso.

 

Qadar waa uu is dejiyey waxa uuna soo horfadhiistay Hooyo Farxiya waxaana hadalkii furay Aabe Warsame oo isaga oo xaajiyadiisa la hadlaayo ku yiri.

 

Aabe Warsame:

Xaajiya waa taan ku sheegay in caawa gurigaan nalaga casuumay wax kale nalooma wicin waxaa jirta arrin adiga iyo aniga aan ogeyn haddana gurigeena ka jirtay loona baahan yahay in aan ogaano. 

 

Hooyo Maryan:

Arrinta maxay aheyd

 

Aabe Warsame:

Waa arrin ku saabsan ilmaheena Qadar iyo Samiira maxaa yeelay ilmaheena annaga oo kaliya ayaa ay nolosha noo jilayeen ee iyaga ma aheyn kuwa dhaqan u dhaxeeya haddana waan fahmi weynay.

 

Qadar mar kaliya ayaa uu wejigiisa hoos geeyey Hooyadiis oo isaga fiirineysa ayaa tiri

 

Hooyo Maryan:

Mar haddii iyaga ay ahaayeen kuwii iscalmaday guurna ku heshiiyey ma keenay dhaqan la’aanta dhibtuse halkee ayaa uu ku jiraa Xaaji waxaan dareemayaa waxaan aniga ogeyn in aad ogtahay.

 

Aabe Warsame:

Xaajiya god iyo ninkii loo wado lama kala qariyo dhibtu oo dhan wiilkaaga ayaa ay ka jirtay xagiisa maxaa yeelay gabadhaan waxa uu ula saaxiibay waxa ay aheyd inuu ka aarsado.

 

Qadar oo doonayey inuu hadlo ayaa Aabahiis ku yiri Aamus

 

Hooyo Maryan:

Ma fahmin aarsasho oo sidee ah 

 

Aabe Warsame:

Wiilkaaga si qaldan ayaa u fikiray xiriirka Samiirana waxa uu ula bilaabay in uu kaga aarsado Yaasiin wiilkii Falis ay kala tageen.

 

Hooyo Maryan:

Bal ii sheeg Falis reerkii qabay iyo reerkaan maxaa ka dhaxeeya 

 

Aabe Warsame:

Samiira waa dadii ka yareyd Yaasiin micnaha Falis ninkii ay kala tageen

 

Hooyo Maryan oo yaab ka soo haray ayaa inta ay wilkeeda soo fariisay ku tiri

 

Hooyo Maryan:

Haye Qadar bal aan afkaaga wax ka maqlo maxay aheyd waxa aad ku fikirtay ee dooneysay in aad gabadhaan ku sameysa kaalay miyaadan xishooneynin sow kama fikireysid hablaha kula dhashay ma sidaan ayey aheyd tarbiyadii aan ku siiyey walaalo gabdho u badan ayaad leedahay ayaa hadana ku fikrrieysaa gabar in aad xumeyso haye hadal maxaad la aamusan tahay. 

 

Qadar oo ooyinta xilli hore iska sii bilaabay ayaa yiri 

 

Qadar:

Hooyo aniga wax qaldan ma sameyn ma diidayo in aan ku fikiray laakiin wax walba waxa ay ahaayeen guurka ka hor si dhab ayaana u jeclaaday Samiira waana hubaa in xumaantii aan ku fikiraayey in aanan sameyn tarbiyadaada wanaagsan ayaa sabab u aheyd I aamin hooyo Samiira si dhab ah Ayaan u jeclaaday jaceylkeeda ayaana uu ahaa midkii aniga I badalay cid kasta oo I taqaan waa ay I fahmi kartay in aan jeceyl xad dhaaf u qaaday. 

 

Hooyo Maryan:

Side ugu fikirtay in xumaan halkaas gaarsiisan aad ku fikirto Qadar I fahamsii.

 

Qadar:

Hooyo Nimuu sheydaan hogaanka u haayey Ayaan ahaa waa ku baryaa arrintaan yaan kor loo dhigin aniga waan qaldamay qaladkayga waan ka soo laabtay aniga ayaana Samiira habeenkii aqalgalkeena u sheegay wax kale uma yeelin waxaan rabay in nolosheena ay runta ku bilaabato oo iyada iyo aniga aysan jirin wax aan kala qarsano.

 

Qadar markii uu intaa yiri ayuu soo istaagay oo hooyadii lugaha qabsaday kuna ooyey Hooyo maryan uguma arxamin waxaase u soo istaagay Hooyo Farxiya oo soo istaajisay kuna tiri. 

 

Hooyo Farxiya:

Qadar maama waxba ha ooyin aniga geesi ayaa ii tahay nin noloshiisa inuu runta ku bilaabay ayaa tahay waxaa tahay dooqii gabadheyda waana kugu kalsoon nahay Maama.

 

Profsor Mumin:

Qadar waxba ha ooyin manta ooyin ma lagaa rabo maxaa yeelay waad guuleysatay gabadheena markii ay xaalka jira ay noo sheegtay wallow aan kuu xanaaqnay haddana go’aanka iyada Ayaan u deynay waana hubnay in ay go’aan saxan qaadaneyso balse waqti ayay u baahneyd Samiira weligeed waa ay aragti fogeyd go’aanadeeda waan u madax banaaneynay waana hubay in aad kasban doontid maxaa yeelay si dhab ayay kuu jeclaaday welina ku jeceshahay ogow Qadar samirkaaga waa uu guuleystay Samiirana adiga oo kaliya ayaa leh.

 

Qadar:

Adeer Samiira in aan arko Ayaan rabaa 

 

Hooyo Farxiya:

Is deji wiilkayga aniga ayaa hadda ku keenayo

 

Hooyo Farxiyo ayaa markiiba inta ay baxday si ay Samiira u keento oo iyada qol ku xerneyd maxaa yeelay Samiira ma dooneynin in sidaan oo dhan loo maxkamadeeyo Qadar waxaana arrintaan lahaa Qadar aabahiis iyo Hooyadiis oo doonaayey in ay Qadar qaladkiisa dareensiiyaan.

Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com