Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 104aad

Waxaa qolka ku soo laabatay hooyo Farxiya oo ay la socoto Samiira oo habeenkaa aad u soo lebisatay lana moodo caruusad Qadar oo markiiba ku soo booday ayaa laabta geliyey oo uu ku yiri.

 

Qadar:

Samiira Macaanto maxaad sidaan igu geleysaa ma ogtahay in caawa aan boqol jeer in ka badan aan dhintay maxaad iga dhuumatay ma ogtahay in aysan qofna ii arxamin.

 

Samiira oo qadar dejineysa ayaa ku tiri

 

Samiira:

Is deji macaane waxba aniga gacanteyda kuma jirin laakiin hadda Ayaan kuu imid wax walba farxad iyo reyn reyn oo kaliya ayaa ay ahaanayaan.

 

Qadar:

Ma ogtahay maxkamada caawa halkaan la igu saaray in aan ka doorbiday in aan iska dhinto.

 

Samiira:

Macaane sidaa ha dhihin Geerida ha ku ilaawdee ma ogtahay in nolol macaan ay na hortaal runtii aniga ma dooneynin arrintaan laakiin waalidiinteena ayaa sidaan rabay in ay kuu maxkamadeeyaan balse waxaan aaminsan nahay in aysan arrinta aheyn in laguu darnaado blse la doonayey in nolosha ku hortaal lagu dareensiiyo macaanteeda haddana ka soo qaad in aysan waxba dhicin.

 

Qadar:

Waa illaaha mahadii haddii aad ii timid wax walba waan kugu ilaawi karaa ileyn nafteyda ayaa tahay.

 

Samiira markiiba waa istaagtay waxa ayana codsaday in ay Qadar kaxeysan karto waana loo ogolaaday sidii ayay ku soo baxeen qolkii caawa Qadar maxkamada u aheyd ee lagaga ooyssiyey markii ay banaanka u soo baxeen ayay ku tiri Samiira iyada oo dooneyso in jawigii adkaa ee uu ku jiray ay ka saarto. 

 

Samiira:

Haye Macaane weligaa qolkayga jiifka ma aragtya ka waran caawa haddii aan halkaas kugu casuumo. 

 

Qadar:

Saacado ka hor Ayaan ka imid qolkaaga jiifka waana meesha aan adduunka ugu jeclahay

 

Samiira oo garatay inuu ka hadlayo qolkooda jiifka ayaa tiri

 

Samiira:

Laf ahaanteyda waxa uu qolkaa ii yahay meesha sida dhabta ay nolosheyda ugu bilaabatay balse qolkii aan mudo ku noolaa Ayaan ku geynayaa. 

 

Markiiba qolkii ayay hore u soo galeen Qadar ayaana la soo booday 

 

Qadar:

Haye mudadii aad ka maqneyd waxba iskama badalin Ayaan u gartay sow sidaa maaha

 

Samiira:

Haa

 

Qadar:

Aad ayaa uu u qurux badan yahay

 

Samiira inta ay sariirta ku tuurtay ayay ku tiri

 

Samiira:

Ka waran caawa haddii aan habeenkeena halkaan ku qaadano

 

Qadar:

In aad iga xishoodsiisid miyaad rabtaa side halkaan ugu qaadanayaa habeenkeena maya maya ma dhici karto.

Samiira inta aysan u jawaabin ayay si dareen ah inta ay u fiirisay ayay bushmaha ka dhunkatay kuna tiri.

 

Samiira:

Horta weligaa ma lagu dhunkaday

 

Qadar:

Hadda ka hor maya balse aniga ayaa dhunkaday

 

Samiira:

Waa ku baryaa Qadar cayaarta iga daa ma adiga oo aan ku aqaan ayaa gabar ku dhunkan karta

 

Qadar:

Runta Ayaan ka hadlayaa inta aan si dareen ah u daawatay Ayaan waliba qalbigayga igu yiri dhunko sidaa Ayaan ku dhunkaday waliba dhunkasho aan weligay ilaawi doonin.

 

Samiira oo si u yaabaneyd ayaa la soo booday

 

Samiira:

Qadar xilligaas ma aniga oo hurdo miyaad I dhunkaday ii sheeg kolay aniga oo soo jeeda ma yasan dhicinee

 

Qadar inta uu qoslay ayaa uu yiri

 

Qadar:

Alla Samiirooy maxaad si fiican ii taqaan haa habeen aad hurado ayay aheyd aniga aan hurdada la’ aa waxaa jiray iftiin shabaqa dariishada ka sareeya ka imaanayey oo si toos ah wejigaaga u haayey in cabaar ah Ayaan ku daawanayey kadibna qalbigayaga ayaa igu yiri dhunko waana ku dhunkaday xataa kama fikrin marka igu soo toosto waxa I qaban karo. 

 

Samiira:

Ma ogtahay macaane in dareenka uusan cabsida ka fikirin Qadar macaane waa ku baryaa iga cafi inta aan nolosha kugu adkeeyey nafteyda manta adiga ayay raali kaa tahay oo ay doonaysa in ay kula dhisto nolol nadiif ah oo kala shaki ku jirin Qadar adiga ayaa I leh macaane.

 

Qadar markii ay intaa tiri ayaa uu mar kaliya isku duubay kuna yiri

 

Qadar:

Ma aqaan waxaan ku dhaho waxaase hubaa in aan ku dhigi doono meel aysan cidi weligeed gaarin nafteyda ayaad barkeed tahay igu kalsoonaaw macaanto sida aad naftaada igu hibeysay Ayaan u xafidi doonaa manta waxaan kuu qirayaa in adiga oo kaliya aad leedahay nafteyda ma jiri doono qof iga kaa muhiimsan Samiira si xad dhaaf Ayaan kuu jecelahau nafteydna aad ayey kuu tabeysaa. 

 

Samiira oo hadalkii Qadar aad ugu qushuucday ayaa tiri

 

Samiira:

Qadar aniga mar hore ayaad I yeelatay mana filaayo in ay jirto qof iga kaa muhiimsan ilaah Ayaan ka baryayaa in nolosheena ay noqoto mid lagu soo hirto.

 

Qadar:

Aamiin macaanto 

 

Waxa ay ahaayeen lamaane mudo isu hamuun qabay oo nolosha kala irdeysay caawa fursada isu saamaaxday waxaase markii dambe qolka ku garaacay Hooyo Farxiya oo uu la socdo Prof Mumin mar kaliya ayay ku soo buraarugeen garaaca albaabka oo soo wada istaageen ayay albaabka fureen Hooyo Farxiya ayaa ku tiri.

 

Hooyo Farxiya:

Haye farxada miyaa idinla tagtay ka warama haddii aan caawa idiin marti gelino oo aad ku aqal gashaan qolkeena haye Profsoore sow in aan ciyaalka caawa marti gelino sow maaha. 

 

Samiira markiiba Qadar ayay fiirisay isagiina waxa uu la soobooday

 

Qadar:

Waad mahadsan tihiin Hooyo Iyo Aabe balse in aan sii socono Ayaan rabnaa 

 

Profssor Mumin:

Mar hadaadan baabuurkaaga soo kaxeysan maxaad ku baxeysaan sow maaha in aad caawa halkaan iska seexataan oo aad idiin marti gelino. 

 

Qadar:

Dhib malaha saaxiibkay Ayaan wacayaa o baabur noo keenayo

 

Prof Mumin fure baabuur ayaa soo bixiyey oo ku yiri Qadar

 

Profsor Mumin:

Looma baahna qabo Furahaan horta ma xasuusataa 

 

Qadar inta uu Samiira fiiriyey ayaa uu ku yiri 

 

Qadar:

Si fiican Adeer laakiin aniga ha I siin cidii markii hore loogu talagalay caawa ayay joogtaa ee iyada gudoon sii .

 

Profsor Mumin:

Haye Samiira furahaan iga gudoon adiga ayaa leh baabuurkaan oo ah mid aad u qurux badan waliba banaanka ayaa uu kuu yaalaa.

 

Samiira:

Aabe ma aanan fahmin halkee ayaa uu ka yimid baabuurkaan

 

Qadar oo hadalka soo dhexgalay ayaa yiri

 

Qadar:

Qof aad la weyn tahay ayaa rabay inuu kuu hibeeyo balse nasiibka xilligaas waa uu igu simi waayey oo waqtigaa iga hiiliyey waxaanse ku faraxsan nahay in aan caawa si farxad leh kuu siin karo.

 

Profsor Mumin:

Samiira gabadheyda nasiibkaaga iyo dookhaadaba meel wanaagsan ayaa uu ku dhigay Qadar markii uu rabay inuu riyadaada kuu rumeeyo ayaa uu baabuurkaan Dubai kaaga dalbay si aad isaga ugu shaqo tagto balse markii aad wax walba lugta ku dhufatay ayaa uu baabuurka aniga ii keenay waase illaaha mahadiis haddii caawa si farxad leh laguu gudoon siinayo.

 

Samiira inta ay Qadar fiirisay ayay si dareen leh ku tiri

 

Samiira:

Qadarow maxaan ku iraahdaa ma nafteyda Ayaan la dagaalaa oo raali gelintaada qaadan weyday mise waqtigaan eedaa oo mudo na kala irdeeyey ii sheeg maxaan ku dhahaa.

 

Qadar:

Waxba ha dhihin Macaanto Hooyo iyo Aabe noo duceeya markaana igu kalsoonaado Samiira igu aamina waan hubaa in aaan farxada ku ilaalin doono oo aan farxada quud ugu dhigi doono.

 

Hooyo Farxiya:

Qadar Hooyo Macaan shalay waan kugu kalsooneyn manta waan kugu kalsoon nahay illaahay reerkaan aad wada unkeysaan midkii loo aayo oo lagu soo hirdo illaaha ha ka dhigo. 

 

Mar kaliya ayaa aaminta la wada kulmiyey sidii ayaana farxad iyo reyn reyn lagu soo sagootiyey Samiira iyo Qadar oo habeenkaa u aheyd habeenadii farxada noloshooda u bilaabaneysay.

Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com