Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 104aad

Qadar wallow uu ku soo jiray saacado walaac iyo welwel haleeyey waxa uu hadda ku
jiraa farxad uusan sina u qiimeyn Karin waxa uuna habeenkaa saamaxaad buuxda ka
dalbatay lamaantii naftiisa.

Samiira oo iyada si kal iyo laab ah u saamaxday una
sheegtay in ay tahay gabar nasiib badan mar haddii uu rabi ku simay midkii ay abid
aadanaha ugu jecleyd oo ay gayaankeeda ka soo xulatay.

Habeenkaa waxa ay u aheyd habeen farxad leh oo noloshii ay qof kasta hore u naawilaayey uu heystay si farxad leh ayay guusha xiriirkooda ugu muudsadeen.

 

Waxa ay aheyd subax kaga farxad badan subaxyadii hore ee hore u soo maray Qadar saaka waxa uu ka soo kacay gogol uu qanacsanaan ugu gam’ay mana qorsheyneyn inuu shaqo tago oo waxa uu doonaayey in farxaadaas xalay u bilaabatay uusan ka tagin waxa uuna telefoon ku wacay Saalax oo uu doonaayey inuu arrimo shaqo uu kala hadlo waxaana dhex martay sheekadaan.

 

Qadar:

War salaaxoo halkee joogtaa

 

Saalaxey:

Saaxiibow iminka Ayaan donayaa in aan xafiiskii tago adiga ma jirtaa mise ma aadan soo bixin

 

Qadar:

Ma aanan soo bixin mana soo bixi doono

 

Saalaxey:

Haye saxiiboo caafimaad ma jiroo xalay telefoonada waad dansaday 

 

Qadar:

Caafimaad ay faraxadi la jirto Ayaan ku jiraa waa illaah mahadii telefoonada waa ay dansanaanayaan ee adiga waxaan kaa rabaa in howlaha xafiiska yaal in aad sii hagaajiso kolay usbuuc waan maqnaa doonaa.

 

Saalaxey:

Saaxiibow maxay tahay farxadaan la iska qarsanayo ee iga daba gee maxaa soo kordhay

 

Qadar:

Taas waa sheeko dheer ee markaan kulano Ayaan kaaga dhici doonaa shaqadaas qaladka ha laga ilaaliyo.

 

Saalaxey:

Qalad ma filayaa in aan galnee ee adiga telka shid si aan waxaan fahmi weynay aan kuu soo Waco.

 

Qadar:

Dhib malaha aniga ayaa ku soo wacaya saacad kasta ma doonayo telefoonka iyo buuqiisa

 

Saalaxey:

Qadarow maalintaada ha kuu wacnaado waxaan filayaa in maalmihii macaanaa ee aad xaqa u laheyd in aad galayso wixii shaqo ah igu haley saaxiib iguna salaan dumaashidey .

Haddii Qadar iyo Samiira ay ku jireen maalmahoodii wacnaa nolosha ay isla meel dhigeyn in ay macaankeeda isla muudsadaan waxa ay weli farxadi ka fog tahay Falis oo guurkeedii koowaad si lama filaan ah oo aysan hore ugu fikirin ugu burburay misana wiilkii abid jeclaa ee dareenkiisa u soo bandhigay ay ku laashay jaceylka iyada oo qiil kaga dhigtay inuu ahaa ninkii ay walaasheed ka dhimatay.

 

Falis waxa ay maalmahaan la walaacsan tahay maqnaasha uu baraha bulshada ka maqan yahay Mursal oo intii muda ahna aan soo dhigin wax qoraal ah Falis sugid badan ayay ku daashay waxaase markii dambe yarka xawaalada u sheegay in Mursal uu u wareegtay dalka Shiinaha halkaas uu ganacsi cusub ka furay isla markaana biilka uu halkaas ka soo diro.

Falis marnaba la yaab kuma aheyn inuu halkaas joogo waxayse wax badan is weydiin jirtay maxaa keenay inuu baraha bulshada uu ka go’o mise dareenkii ku riixayey inuu qoraalada soo dhigo ayaa ka guuray iyada kaligeed ayaa walaac u gooni ah ku jirtay haddana ma jirin cid ay la hadasho balse ugu dambeyn ayay xamili kari weyday in maalin walba ay nafteeda ku mashquuliso su’aalo aysan jawaab u heleynin waxayse maanta la hadashay Aamow oo ay ku tiri.

 

Falis:

Aamow ninkii Mursal ahaa ma ka warheysaa

 

Aamow:

Maxaa ku dhacay

 

Falis:

Waxbee beryahaan baraha bulshada waa uu ka maqan yahay oo wax qoraal ah ma soo saaro

 

Aamow:

Malaha jaceylkaaga aan looga arxameynin ayuu ku daalay 

 

Falis:

Ma filaayo qofta dareenka dhabta kama daalo kamana suulo ee adiga armaa beryahaan la hadashay

 

Aamow:

Maya armuu xanuunsan yahay

 

Falis:

Waxaa la ii sheegay in magaalada Bejin ee dalka Shiinaha uu u wareegtay halkaasna uu ganacsi ka bilaabay

 

Aamow:

Mar haddii uu nabad qabo oo aad ogtahay maxay tahay waxa aad kaga walwaleyso maqnaashihiisa mise dareenka ayaa ku haleelay

 

Falis:

Ma aqaan waxaan ugu welwelayo maqnaashiisa 

 

Aamow:

Falisey aniga mar hore Ayaan ku dareemay ma xasuusataa beri hore mar uu xanuunsaday ee uu mudo 2 usbuuc ah uu ka maqna baraha bulshada sida aad u welweshay Falisey armaad jeclaaday Mursal.

 

Falis oo fikir dheer gashay ayaa tiri

 

Falis:

Anigaba isma ogi mana is kantarooli kari mana aqaan waxa aan dareemayo laakiin waa hubaa in markaan aan si weyn u daneynayo hadalkiisa iyo aqbaartiisa.

 

Aamow:

Hddii ay sidaa tahay maad la hadashid intaas uu culeyska kaa fududaadaa.

 

Falis:

Ma aqan nooc dareen ee aan u dareemayo aniga ayaana u baahan in aan is ogaado ma aqaan nabsi Ayaan weligey maqli jirayee inuu beriga aniga I haleelay. 

 

Aamoow oo hadalka tiiranyada leh ee Falis la qiirootay ayaa ku tiri

 

Aamow:

Haddii uu dareen jiro hala daahin Ayaan ku dhihi lahaa 

 

Falis aamusnaan ayay gashay wax ay ku hadashana ma aysan garan Karin iyada oo aamusan ayay goobtii ka huleeshay oo ay qolkeeda tagtay waxayna wax badan nafteeda siisay in ay dhageysato haddana waa ay kari weyday in ay isfahamto, Waxayse go’aansaday in ay arrintaan ay kala hadasho saaxiibteed Sureer oo ah saxiibta kaliya ee ay ku kalsoon tahay durbadiiba waa ay wacday waxayse u sheegtay in caawa ay leedahay shaqo balse ay subaxii soo mari doonto.

Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com