Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 104aad

Falis aad ayay u dharareysay subaxaas waxayna saaxiibteed u sii diyaarisay quraac maadaama ay marka ay shaqada ka soo degto ay iyada ku soo hormareyso oo aysan xaafada aadi doonin waqtigii la filaayey ayay ku timid Sureer quraacdii kadib ayay sheekadaan dhexmartay Sureeer oo aad u dharareysay arrinta loo wacay ayaa la soo booday.

 

Sureer:

Haye saaxiib waad I dherjisayee bal ii sheeg arrinta jirto kolay wejigaaga Ayaan ka dareemayaa waa arrin kugu culsaatay.

 

Falis:

Ma aqaan meesha aan hadalka ka bilaabi lahaa runtii waa arrin aad ii qastay sababta aan kuu wacayna waxa ay tahay in aad ila gorfeyso.

 

Sureer:

Waan hubaa in arrinta ay aad u culus tahay bal ii sheeg oo aan arko waxa aan ka qaban karo oo aan ka dhihi karo.

 

Falis:

Sureerey nafteyda salal ayay ku jirtaa mana aqaan waxaan ku sifeeyo maxay tahay sababta aad intaan oo dhan aan maqnaashihiisa ugu fikirayo xataa haddii aan ogaaday inuu caafimaad qabo.

 

Sureer:

Falisey waxaad sheegtay wax aan ka fahmay ma jirto waayo cida aad ka murgeyso maqnaashihiisa

 

Falis:

Sureerey saaxiib tan iyo markii Mursal uu ka wareegay Dubay ee uu u wareegay Shiinaha isla markaana uu baraha bilshada ka baxay ma aqaan waxa aan dareemayao sidii qof waalan ayaaan maalin kasto partiisa facebook ayaan kun jeer in ka badan booqdaa ma aqaan hadalada dareenka leh ee uu soo qoro sababta aan ugu il qaboobo mana aqaan waxa aan u dareemayo mana fahmi karo waxa I haaya ma jaceyl Ayaan ku sifeeyn karaa mise waa ka welwelid aan isaga ka welwelayo maqnaashihiisa haddii ay taa tahay mar haddii la ii sheegay inuu caafimaad qabo maxaan weli warkiisa u sii raadinayaa kaalay ma dareenkii jaceylka Ayaan markaan dhinaceyga iga haleelay.

 

Sureer:

Adiga muxuu qalbigaaga ku dhahayaa bal sheeg muxuu qalbigaaga kuu sheegay oo uu arrintaan ku sifeeyey.

 

Falis:

Ma aqaan marxalada aan ku jiro xataa qalbigeyga kuma kalsooni qabo bal adiga saxiibay wax ii sheeg maxaan sidaan oo dhan ugu hamuun qabaa Mursal mise manta dhibta jaceylka ayaa dhinaceyga timid.

 

Sureer oo si degan hadalada Falis ula socotay ayaa mar kaliya la soo booday

 

Sureer:

Maya wax dareen jaceyl la yiraahido oo ku haaya ama kaa muuqda ma jiro kaliya wiilka aad Hooyadiis noqotay ayaa uu Aabe u yahay waa intaas oo kaliya mida kale waa ninkii ay walaashaa ka dhimatay maqnaashahiisana haddii aad ka mjurugto aniga uma arko in ay jiraan wax dareen ah. 

 

Falis:

Ma aqaan aniga waxaan ku sifeeyo arrintaan intii muda Ayaan la dhibtoonayey sida qof dareen xun loo soo sheegi rabo Ayaan xagiisa ka fishaa.

 

Sureer:

Waxba ha is tusin waxaan jirin ee cuudi bileeso mar haddii laguu sheegay in uu nabad qabo oo ganacsi darted Shiinaha ugu guuray ma jirto sabab aad u sii welwelsho marka saxiibay ma qabo in dareen jaceyl aad u qaadeyso Mursal maxaa yeelay shalay ayay naftaada ku xertay meel adag markii aad tiri iima soo dhaafi doontid in Yaaska aad ninkeeda tahay marka is deji waxaas ma jiraanee haddii uu dareen jirana qalbigaaga ayaad kalsooni ku qabi laheyd.

 

Sidii ayaa lagu kala aamusay Sureer ayaase markii dambe in ay baxeysou sheegtay Falis maadaama ay xalay hurdada ku yareyd oo ay hurdo u baahan tahay sidii ayay kaga soo dhaqaajisay Falis oo weli meesheeda fadhisa una muuqata mid aan ku qancin hadalada Sureer.

 

Sureer waxaa markiiba  gadaal ugu yeertay Aamow oo sheekadooda oo dhan la socotay oo ku tiri.

 

Aamow:

Sureer kuma fahmin maxaad sidaas u leedahay miyaadan kuu muuqan dareenka gabadha lalayo mise in ay Mursal iyo Falis is fahmaan ayaadan rabin.

 

Sureer:

Arrintaas qof iga jecel ma jirto waana fahmi karaa in Falis markaan dareenka uu xageeda joogo laakiin waxaan rabaa in ay iyada is ogaado oo afkeeda ka qirato.

 

Aamow:

Miskiin isma dareemeyso aan saacidno. 

 

Sureer:

Aamow u dhaaf arrinteeda Falis waa hubaa iyada ayaa maalmo kadib dareenkeea qiran doonto oo waliba qaladkii ay hore u gashay gareysan doonto.

 

Aamoow halkeeda ayay ka soo laabatay oo ay guriga ku soo noqotay, Falisna weli halkeeda ayay fadhisay hadalkii Saaxiibteed midna kama qaadan waxa ay qalbigeeda u sheegaysay in wax jiraan. 

 

Samiira maalmaheedii macaanaa ayay ku jirtay waxa ayna ku maqnaayeen iyada iyo Qadar fillada beerta ku taal ee deegaanka Afgooye oo usbuucyo ku soo qaadeen.

 

Waa xilli subax ah waxaana qolka cuntada ee reer Warsame Cali ku wada quraacayey Qadar iyo Aabahiis oo shaqa ku sii socday Samiira Subaxaas ma aysan soo kicin oo quraacda saaka waxaa diyaarisay Hooyo Maryan waxaana Hooyo Maryan la hadlay Qadar oo ku yiri.

 

Qadar:

Hooyo Samiira xalay oo dhan ma aysan seexan oo matag ayay heysay waana sababta ay saaka u tooosi weyday waxaan rabaa in isbitaal la geeyo.

 

Hooyo Maryan:

Malmahaanba ma fiicneyn gabadha waa ay iska caajisaneyd laakiin Qadarow Hooyo Miyeysan aheyn in adiga xaaskaaga kaxeysid oo aad isbitaalka geysid.

 

Qadar:

Hooyo waan jeclaa balse mashquulka ayaa badan xisaabtii sekada Ayaan ku jirnaa ee Hooyo adiga kaxee baabuurka Aabe Ayaan idiin soo celineynaa oo darawalka ayaa idiin kaxeyn doono. 

 

Aabe Warsame:

Haa Xaajiya mashquulka waa iska badan yahay ee adiga gabadha kaxey oo dhaqtarka u gee.

 

Qadar: 

Haa Hooyo in ay sidaan noqon jirtay ayay ii sheegtay oo keli laga haayo kolay dhaqtarka iyada ayaa u sheegeyso waana u sheegay in aad dhaqtarka u kaxeyneyso.

 

Hooyo Maryan:

Haye hooyo waan u kaxeynayaa ee baabuurka xilli hore noo soo dira si aan xilli fiican u soo laabano.

 

Hooyo Maryan markii howlihii guriga u yaalay ay dhameysay oo uu baaburkiina u yimid ayay Samiira u gashay markii ay aragtay in aysan weli is diyaarin oo ay jiifto ayay ku tiri.

 

Hooyo Maryan:

Maxaa jira gabadheyda weli isma diyaarin maxaa jira sow Qadar kuuma sheegin in aan isbitaal aadeyno.

 

Samiira:

Hooyo maxaa isbitaal looga baahan yahay aniga sidaan waan noqon jiray waana iska reysanaa.

 

Hooyo Maryan:

Oo waxaan aamini Karin adiga oo wax bartay in aad isbitaal diido waliba adiga oo xanuunsan maya gabadheyda soo istaag baabuur ayaa noo joogo dhaqo is diyaari.

 

Samiira:

Hooyo dhaqtar maxaa laga dheefayaa iga daa ma aadi karee xaaladaan aan ku jirana waxba igama qabin karee.  

 

Hooyo Maryan:

Ii sheeg hooyo ma sida aan aniga wax u dareemayo miyey wax jiraan 

 

Samiira oo xishood dartii wejiga qarsatay ayaa madaxa u luxday waxayna dareensisay in ay wax jiraan Hooyo Maryan ayaana ku tiri.

 

Hooyo Maryan:

Hambalyo gabadheyda balse ninkaaga adiga ayaa u sheegayo ileyn marka uu yimaado ee la yiraahdo gabadhii isbitaal lama geynin anaa ogee ma aamusi doono warkaas adiga ayaa sheegayo.

 

Samiira:

Maya Hooyo aniga ma sheegi karo 

 

Hooyo Maryan:

Hadda ninkaaga adiga ayaa u sheegayo aniga dadka kale Ayaan u sheegayaa

 

Samiira:

Hooyo sideen ku sheegaa ma sheegi karo xalay hooyo oo muuqaal igu soo wacday Ayaan u sheegi waayey waliba iyada ayaa iga shakisay oo igu tiri waad qayirantay ee wax jira marka sideen Qadar ugu sheegaa.

 

Hooyo Maryan:

Sidaad doontaba ku sheeg laakiin adiga ayaa lagaa rabaa in aad u sheegto 

 

Sidii ayay Hooyo Maryan kaga soo baxday qolka waana ay dareensaneyd in gabadha ay Walac tahay balse iyada ayay afkeeda ka rabtay howsheedii ayayna iska gashay iyo Qado diyaarintii maadaama hablaheeda ay iskuul ku maqnaayeen.