Sheekadii xiisaha laheyd ee Libin Jaceyl Qeybtii 104aad

Mar xilligii Qadada la joogo ayay Qadar iyo Aabahiis xaafada ku soo laabteen Qadar markii uu qolka galay ayaa uu arkay in ay hurudo Samiira si tartiib ah ayaa uu qolka ugu baxay oo xaga miiskaa qadada ku soo aaday hooyadiis oo qolka soo gashay ayaa uu ku yiri.

 

Qadar:

Haye Hooyo Dhaqtarkii mxuu sheegay

 

Hooyo Maryan:

Muxuu sheegay hee

 

Qadar:

Muxuu Samiira ka sheegay

 

Hooyo Maryan:

Hooyo dhaqtar yaaba aaday hee halkeena Ayaan jognaa

 

Qadar:

Sidee hooyo baabuurka waan idiin soo dirnay waliba anaga oo u baahan 

 

Hooyo Maryan:

Hooyo Xaaskaaga waa ay diiday malaha adiga in aad kaxeyso ayay rabtaa

 

Qadar:

Laakiin Hooyo waa u sheegay inaan kaxeyn Karin

 

Hooyo Maryan:

Hadda adiga howshaada iska soo dhameyso markaas ayaad geyneysaa

 

Aabe Warsame:

Xaajiya waa ku sidee side gabar xanuunsan oo matageyso oo aan hurdi Karin aan isbitaal la’aan guriga ugu heysnaa

 

Hooyo Maryan:

Hadda maxaan yeelaa aniga waa I diiday

 

Qadar:

Maxay tahay dhibkaan Hooyo hadaan u tagayaa

 

Qadar markiiba jaranjarada ayaa uu xoog ku koray Hooyo Maryan waa ay iska dhoolacadeyneysay waxaase hadalkaan ku yiri Aabe Warsame

 

Aabe Warsame:

Xaajiya waad dhoolacadeyneysaa maxaa jira

 

Hooyo Maryan:

Xaaji Awoowe ayaa noqoneysaa aniga Ayeeyo

 

Aabe Warsame:

Maasha allah gabadha ma uur ayay leedahay allahayow adiga ayaa mahad leh Adlow igu sin wiilka uu shalay Qadar in aan arko 

 

Qadar markii uu qolkii galay ayuu arkay in ay soo jeedo si deganaan ku jirto ayaa uu ku yiri

 

Qadar:

Samiira Maxaad naftaada u dhibeysaa oo aad aniga ii murjineysaa maxaadse ku diiday isbitaalka

 

Samiira:

Isbitaal iyo warkiisa iga daa aniga waan ka baqaa

 

Qadar:

Taasi waa cayaaree side u baqeysaa qof weyn ayaa tahay

 

Samiira:

Sow in aad caawana ku dharfayo kama baqeysid iska daa aniga waan kaa guurayaa oo qolka gabadhaha ayaan seexanayaa

 

Qadar oo u soo dhawaaday ayaa ku yiri

 

Qadar:

Macaanto sidaa maaha ee adiga Ayaan dhibta kuu diidayaa 

 

Samiira:

Waan fiicanaanayaa mana jecli isbitaal ee iga dhaaf

 

Qadar:

Haddii ay sidaa tahay saaxiibkay oo sheybaarista ah Ayaan wacayaa oo ku baarayo

 

Qadar markiiba telefoonkiisa ayaa uu la soo baxay Samiira oo aan ogoleyn ayaa la soo booday

 

Samiira:

Qadar maxay tahay adiga dhibta ku heyso iga daa ma doonayo cudurka I haaya waan fahmi karaa aniga Ayaana isku filan

 

Qadar oo dejinayo ayaa la soo booday

 

Qadar:

Waa ku baryaa adiga ha xanaaqin ugu yaraan talo ayaa uu na siinayaa marka uu ku arko iyo sida aad dareemeyso

 

Samiira:

Laakiin aniga Uur Ayaan leeyahay

 

Qadar:

Xataa haddii aad leedahay!

 

Qadar markii uu intaa yiri ayaa uu maqalkisa iyo dhagahiisa waxa ay maqleeyn dib ugu celiyey oo uu ku yiri

 

Qadar:

Macaanto maxaad I tiri igu celi dhagaheyga waxa ay maqleen ma sax baa Uur miyaad leedahay oo hadda ma aabe Ayaan noqonayaa. 

 

Samiira iyada oo xishood ka muuqda ayay madaxa u luhday Qadar mar kaliya ayaa uu qeylo ku dhuftay oo si waali ah u qeyliyey laabtana geliyey Samiira oo uu meel kasta ka dhunkaday isaga oo oronaya “Macaanta riyo aan weligey sawiran jiray ayaad ii rumeysay illaahay ha kaaa raali noqdo”.

 

Qadar intaa kuma hakininee isaga oo sidii u qeylinaayo ayaa uu aabahiis aaday Aabe Warsame oo qeylada wiilkiisa maqlaayey ayaa xaaskiisa ku yiri.

 

Aabe Warsame:

Xaajiya wiilkaaga waa kaa soo socdaa oo uu aliba qeylinayo haddaba aniga wax ma ogi oo qof arrinta ku cusub Ayaan iska dhigayaa ileyn farxadiisa Ayaan dooneynin in ay naaqusto

Inta uu Aabe Warsame hadalka dhameyn ayaa Qadar oo dheg la qabto laheyn soo galay aabahiisna ku booday kuna yiri.

 

Qadar:

Aabe waan faraxsan nahay aniga Aabe Ayaan noqonayaa manta maalin iga weyn ma jirto Aabe waan faraxsan nahay

 

Aabe Warsame:

Maasha Allah Aabe annagana waan kula faraxsan nahay haye Xaajiya markaan Ayeeyo iyo Awoowe Ayaan ahaaneynaa

 

Qadar oo aan markii hore Hooyadiis u jeedin ayaa ku booday oo dhabanada ka dhunkaday kuna yiri

 

Qadar:

Ii sheeg Hooyo maxaan sameeyaa

 

Hooyo Maryan:

Hooyo macaan howshaada waad gudatay adiga, aniga ayay shaqo ii taal oo Samiira masuuliyadeeda kaala wareegay kaliya wax dhibaayo ha iga dhihin

 

Qadar:

Maya manta wixii ka dambeeya waa Amiirada Guriga

 

Hooyo Maryan:

Weligeedna waa ay ahaaneysaa.

Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com