Samiira markiiba hoos ayay u daadegtay oo ay u tagtay Hooyo Maryan oo ay ku tiri.

 

Samiira:

Hooyo Qadar waa uu soo toosay mushaariyo mala helayaa wax kale ma cabi karee

 

Hooyo Maryan:

Haa Hooyo iminka ayaa loo saarayaa dabka 

 

Samiira:

Ii sheeg halka ay taal aniga ayaa karinayee

 

Hooyo Maryan:

Maya gabadhiyee Farxiyaa joogto oo karineyso bal fiiri Xalay kaliya dhafarka kaa muuqdo hooyadaa marka ay beri timaado maxay dhihi doontaa ileyn gabar dhalaaleyso ayaa ka soo tagtayee.

 

Samiira:

Hooyo arrinta beri ayaanba rabay in aan kaala hadlo ka waran haddii hooyo loo sheego oo beri la iska dhaafo ileyn shaash saarid waa arrin iska dhaqan ah mana qabo in loo baahan yahay ka waran jirida Qadar dartii in aan gebi ahaanba u dhaafno.

 

Hooyo Maryan:

Maya gabadheydiyee taasi waa waxaan dhici Karin arrintaan waa dhaqan aaad qaali noogu ah ma ogtahay in micnaha gabadha maalintaas shaashka loogu saaro ay tahay in gabadha la reereeeynayo isla markaana duco badan ay ka hesho Qadarna waxba ha ka welwelin waa uu fiicnaa inshah allah.

 

Hooyo Maryan markiiba Farxiya ayay u wadcay oo u timid Samiira oo weli goobta taagan ayaa ku tiri.

 

Samiira:

Maasha Allah Farxiya abaayo markii aad kariso ii wac aad ayaa uu u gaajeysan yahay Qadar .

 

Farxiya:

Haye Abaayo 

 

Markiiba Samiira waa ay dhaqaaqday waxaase ka hor timid Fartuun inta ay soo noqotayna ayay tiri

 

Samiira:

Labadiina mar qura ma idiin wada arag mana idiin kala saari karo wallaahi aad ayaa isugu eg tihiin

 

Farxiya oo jikada ka soo baxeyso ayaa tiri

 

Farxiya:

Maya walaahi Dumaashi isuma egini ee jooga Ayaan ka siman nahay mooyee

 

Fartuun:

Mid kale ayaana nagu kala saari kartaa aniga qof dharka waa weyn xerata Ayaan ahay reerka wadaadkooda waan ahay 

 

Samiira:

Walaahi wadaadnimada waa ay kaa muuqataa

 

Farxiya:

Haddii ay wadaadka reerka tahay anigana Drs Reerka Ayaan ahay 

 

Samiira intya ay dhoola cadeysay ayay tiri

 

Samiira:

Xalay haddii aadan joogi laheyn Qadar xanuunka ilaa waaga ka baryo waa uu heyn lahaa maasha Allah qof walba kaalin muhiim ah Ayuu reerka ugu jiraa inshah Allah wax badan waan is baran doonaa.

 

Samiira waxba qolka kuma noqon oo ilaa mushaaradii laga diyaariyo ayay hablaha ninkeeda la dhashay la sheekeyneysay markii loo diyaariyey ayay Qadar u geysay oo uu ku degsaday markii uu cabay kadibna waa tii ay habeenkii oo dhan soo jeedayo dhinaciisa ayay iska gama’day .

 

Sidii lagu balansanaa ayay maalintii xigtay loogu wada diyaar garoobay in shaashka loogu saaro Samiira sida caadada ah waxaa isugu yimid labada reer halkiina shaashkaa loogu saaray Samiira looguna duceeyey markii ay dadka kala yaraadeen ayay Samiira iyo hooyadeed fursad isku heleyn waxayna hooyo Farxiya ku tiri gabadheeda .

 

Hooyo Farxiya:

Samiiraay maxay tahay sida aad u qayirantay miyaad xanuunsatay maxaa ku helay dhib miyaa jira Hooyo waadigaan sidaan u baaba’ayee.

 

Samiira:

Hooyo waa dhafar waxa iga muuqdo oo labo habeen ma hurdin

 

Hooyo Farxiya:

Maxaa ku helay Maama maxaa dhafarka kugu wacan

 

Samiira:

Hooyooy Qadar ayaa aad u xanuunsaday walaahi aad Ayaan ugu naxay 

 

Hooyo Farxiya:

Side loo qabtay Maama

 

Samiira:

Gastric xun ayaa uu qabaa oo habeen ayaa uu mantag la soo kacay xanuun aad u daran ayaa qabtay

 

Hooyo Farxiya:

Hadda side ayaa uu yaalaa maxaase igu soo sheegi weyday

 

Samiira:

Maxaan kuu soo sheegaa intaas isaga Ayaan kor taagnaa alxamdullahi hadda waa uu ladan yahay 

 

Hooyo Farxiya:

Hooyooy waa waajib diini in ninkaaga aad ku garab istaagto xaalad kasta halkee ayaa uu haddda ku jiraa

 

Markiiba Samiira hooyadeed ayay u kaxeysay xagga iyo qolkii uu Qadar jiifay Qadar markii u arkay in Hooyo Farxiya ay u timid ayaa uu u soo istaagay oo uu gacanta ka dhunkatay is wareysi kadib ayay Hooyo Farxiya u rajeysay caafimaad sidii ku soo baxeen iyada iyo asxaabtii maalintaa ku wehlineysay shaash saarka gabadheeda.

Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com