Saalaxey waqtigii loo sheegay ayaa uu ku soo xaadiray gurigii dumaashadiis Samiira oo markii uu tagayna telefoon ka wacay una sheegay inuu joogo banaanka.

Waxa ay u sheegtay in wax yar uu dulqaad sameeyo si ay isu soo diyaariso waana uu ka ogolaaday cabaar yar kadibna iyada oo ay sagootinayaan Hooyadeed iyo walasheed Yusra ayay soo baxday markiiba saalaxey waa uu u soo degay alaabtii ay sidatay ee walidkeed soo siiyeen ayaa uu baabuurka u saaray waana ay soo dhaqaaqeen Saalax oo warka rabay inuu furo ayaa ku yiri Samiira.

Saalaxey:

Ma aqaan sida aan kugu mahad celiyo ku soo laabashadaada guriga saaxiibkay tani culeys weyn ayay ka qafiifineysaa.

 

Samiira:

Ma isaga ayaa kuu sheegay xaalada dhexdeena

 

Saalaxey:

Xaafada ayaa uu igu yimid walaahi isaga oo waalan rabo Ayaan dejiyey oo ku qanciyey in aad u soo laaban doontid

 

Samiira:

Isaga miyaa la hadal ku yiri

 

Saalaxey:

In aan kula hadlay xataa ma oga numberkaaga isaga oo aan I fahmin Ayaan ka tuurtay teledoonkiisa 

 

Samiira:

Saaxiibkaa kuma kalsoonaan karo shakiyo badan waan ka qaaday mana filaayo in aan is fahmi karno 

 

Saalaxey:

Qadar noloshiisa adiga ayaa wax badan ka badashay nin ad adag ayaa uu ahaa oo xataa jaceylka ma aaminsaneyn aniga waan ku farxay xiriirkiina laakiin waxaan marnaba aan sawirin ayaa uu ahaa in aad sidaa u kala fogaaneysaan.

Samiira:

Nin xiriirkiina been iyo qiyaano ku bilaabay miyaad I ledahay ku kalsoonaaw oo waliba xaaaskiisa noqo naftaada ku aamin. 

 

Saalaxey:

Aniga waxaan aaminsan nahay in aad wax walba aad gar ku leedahay laakin mid ku qiimee in xumaantaas uusan falin.

 

Samira:

Sow kuma fikirin horta inuu xumaan ila doono aniga oo dhab u jeclaaday waliba dareenkeygana lama ganban oo aniga ayaa calmashada abuuray marnaba Qadar kuma kalsoonaa karo Saalax.

 

Saalaxey:

Ducada Ayaan idiinku kabayaa in illaahay kuwii is fahma idiinka dhigo

 

Samiira markii ay guriga imaaneysay Qadar waxa uu ku sugnaa qolka fadhiga ee qeybta hoose ee guriga waxa uuna ku ogaaday hablaha oo u wada istaagay oo salaam ku soo dhaweeyey Samiira marna uma galin qolkii uu Qadar ku jiray waxa ayna u gudubtay qolkeeda jiifka jaranjarada ayaa waxa kaga hortimid Hooyo Maryan oo ay isku sii salaameen qolkeedii ayay ku raagtay kama soo degin ilaa habeenimadii xilligaas oo uu Qadar qolka ugu soo galay markii ay aragtay inuu soo galay ayay dhinac kale kaga jeesatay Qadar oo dareemay ayaa ku yiri.

 

Qadar:

Waan kaaga mahad celinaa in aad guriga ku soo laabatay

 

Samiira:

Ma loo baahna maxaa yeelay adiga dartaa uguma soo laaban halkaan 

 

Samiira iyo Qadar khilaafka ka dhaxeya ma jirin cid guriga ka tirsan oo ogaaday waxa ayna ku dadaaleen in aan la dareemin Qadar shaqadiisa ayaa uu inta badan waqtiga ku qaadan jiray Samiirana waxaad moodaa in guriga la qabsatay oo ay noqotay qof dhinac ka saacida Hooyo Maryan wallow hablaha ay Iskuul tagaan waxayna tan u aragtay mid ay fikir badan kaga fogaaday iyada oo ay jirtay gocosho dhan walba oo aan la celin Karin waxayna isu sheegi jirtay in nasiibkeeda u xumaaday oo ay calmashadii ay sameysay ay ku qaldaneyd dhanka kale Qadar waxauu aaminsanaa in maalin uun ay imaan doonto oo ay cafin doonto.

 

Mursal nin taladii waalidkii qaatay ayaa uu ahaa waana ku dhaqaaqay saakana waxa uu miiska quraacda kaga soo horeeyey Hooyadiis oo markii ay aragtay wiilkeeda oo miiska fadhiya isla markaana u diyaarsan in uu saaka xafiiska la tago aad ayay Hooyo Milko ugu faraxday markii ay wiilkeeda aragtay oo diyaar ah. 

 

Mursal saaka xafiiska soo dhaweyn fiican ayaa uu ka helay waxaana loogu soo dhaweeyey si heer sare sidoo kale ayaa loo sameeyey cid ku saacida shaqada oo kala barta waxa uuna aaminsanaa inuu si fudud ula qabsan doono.

 

Samiira waxa ay ku jirtay maalmo ay iyada u aragto in ay yihiin Maalmo madow maadaama ay ay u aragtay in noloshii ay dooratay ay ahayd mid qaldan oo Madow ah. 

 

Mursal tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda shaqada sida tooska u kala wado waxaaad moodaa inuu ku soo firfircoonaaday xagga baraha bulshada oo bartiisa facebooka ayaa noqotay mid inta badan uu saaro qoraalo uu ku tilmaamayo jaceylka iyo keli ahaanshaha naftiisa maantaba waxaa Falis loo sheegay in Mursal inta badan uu ka hadlo jaceylka iyo dhibaatada uu isaga u dhigay waana ay dareemeysay in iyada uun uu u godob yeelayo keli ahaanshaha naftiisa balse taa kuma soo dabcin.

 

Waa xilli Maqrib ah Falis iyo Amow waxa ay ku jireen qolka fadhiga oo waxaa la wada sugaayey musasalkii la daawan jiray oo xilliyadaas soo galayey Amow oo ku mashquulsaneyd telefoonkeeda ayaa tiri. 

 

Aamow:

Falisey Saaxiibkaa Maanta walaahi coment badan ayaa uu helay

 

Falis:

Saaxiibkee waa Kee maxayse tahay Comentiga aad ka hadleyso

 

Aamow:

Waa ninkii Mursal ahaa hees dadka oo dhan ka qeyliyeen ayaa uu soo qoray haddana ma maleyn kartid commentiga u saaran waliba waxaa la yaabay sida dadka ay ugu codeynayaan oo ay waliba ugu war hayaan Jaceylka macquulka aheyn ee haaya.

 

Falis oo aan jecleysan hadalkaa ayaa tiri

 

Falis:

Malaha isaga ayaa asxaabtiisa ku yiri Jaceyl aan macquul aheyn ayaa I haaya I maqal ninkaas warkiisa iga daa waa nin waalan.

 

Aamow:

Maxaa sidaa u leedahay in adiga lagu jeclaado ma waali baa waa uu ku jeclaaday adiga jaceylkiisa ka dhigayo wax aan macquul aheyn maahee waa nin u qalma in nolol lala wadaago.

 

Falis:

Wax badan oo aadan ogeyn ayaa jira 

 

Aamow:

Ma jira wax aan aniga ogeyn waxaan aheyn inuu dumaashigaa ahaa miyaa jira mar haddii inankiisa aad dooneysid in aad laabtaada ku qoriso maxaa diidayo in isagana uu laabtaada ku gam’o.

 

Falis markii intaa la yiri ayay goobtii ka tagtay in cabaar ah markii ay ka maqneyd ayay soo gashay oo ay telefoonka Aamow inta ay ka qaaday ayay qoraaladii aqrisay waliba heestii ugu dambeysay ayay aqrisay oo aheyd heestii Dhakhtar ee Maxamed BK oo sidaan u qormeyd.

MARKAAN KUGU DHAWAADAA

DHIBAATADA I DEYSAA

MARKAAN IGA DHAQAAQDAABA

WADNAHA LAY DHUFANAYAA

WAXA AAN LA DHUUBTEE

DADKII IGA DHEXSAARAY

KELIGEY I DHIGAY MEEL

DHABTII CAANSHAQ WEEYAAN 

DHIBAATADA TAAL ADUUNYADA

HOREBA LOOGA DHEEFI WAAYEY

INTAAN NALA KALA DHANTAALIN 

WAAYUHU INA KALA DHARBAAXIN

ANIGA CAANSHAQA I DHUUXIN

I NOQO DHAKHTARKII JACEYLKA

sidoo kale ayay in muda ah ku cabaartay aqrinteeda dhamaan asxaabtii comentiga ka bixisay oo inta badan u shafeecayey Mursal lahaana bal gabadhaan miyeysan qalbi danqada laheyn maxay sidaan kugu fiirineysaa waana tan Falis ku qasbay in ay si toos ah u wacda Mursal.

Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com