Mursal nin jaceylka uu falay ayaa uu ahaayee durbadiiba waxa uu soo dhigay hees kale oo uu markaan ku cabirayo sida uu dhibanaha ugu yahay Jaceylka Falis oo ka mid aheyd dadka saaxibka kula ah pagekiisa Facebooka.

Waa ay aragtay haddana maxay sameyn kartay Falis waxaa dhib ugu filnaa dadka asxaabta la lahaa Mursal ee soo qorayo erayo inta badan iyada lagu eedeynayo in aysan wax la qaban Mursal waxaa jiray hablo badan oo talo ahaan u soo jeedinaayey in gabadha cinwaankeeda loo soo qoro oo iyaga ay rabaan in ay la hadlaan kana baryaan jaceylkiisa haddana waxa ay ku aheyd arrin aysan sina wax ugu qaban Karin.

Heesta ayaa Sidaan u qorneyd

 

JACEYLKAN IGU TUNTEE

ANI IGU TUNTEE

MUDABA AAN LA TAAHAYEY

MARNABA AAN II TUREYNIN

HANTAAQIYO TURUNTURIYO

TUQAANTUQ IGU HAYAAAA

HURDADOO IGA TOOSIYAA

TARIIG BUU II SHIIDAA

TOOSH BUU IGU KAA HAYAA

INTAA WUUU IGAA TUUSAA

DHIIGAA KU TALAALANTEE

QALBIGA KAMA TIRE KAREE

ILLAAH BAA TAAJIREE 

QOF TAAG DARAN TOOSIYEE

JACEYLKA TUDUBAHA U QABO

 

Mursal cataawga ma daayo Falisna weli uma dabcid

 

Haddii Mursal uu weli la gebi dhacayo jaceylka aan looga arxameynin ee Falis ayaa sidoo kale Qadar laf ahaantiisa ayaa ku jiray marxaladaas oo weli waa uu ku guuleysan la ayahay in Samiira uu ka helo cafin wixii uu falay haddana waxa kaliya ee uu qalbigiisa u sheegaayey ayaa aheyd in uusan is dhiibin oo uusan ka quusan Samiira .

 

Waa xilli galab gaabad ah Qadar waxa uu ku sugnaa qolka fadhiga ee gurigooda waxaana kula wehliyey walaalahiis oo manta isaga rabay in ay la hadlaan mar haddii iskuulka loo soo xeray waxaana hadalka furtay Farxiya oo ku tiri.

 

Farxiya:

Qadarow markaan waad na ilaawday

 

Qadar:

Sidee Farxiyooy maxaan idiinku ilaaway haye Fartuun iyo Abdiqani mala qabtaan

 

Inta aysan Fartuun hadlin ayay Samiira soo gashay oo ku tiri

 

Samiira:

Haye Farxiyooy maxaa la ii wacay waaba kulansan tihiin side wax u jiraan 

 

Imaanshaha Samiira ayaa cabsi gelisay Qadar oo mooday in xaalkooda la ogaaday balse Farxiya oo hadashay ayaa tiri.

 

Farxiya:

Dumaashi soo gal manta ninkaada Ayaan maxkamad saareynaa bal aan aragno eeda aan tabaneyno meesha uu u rido.

 

Qadar:

Haddiiba maxkamada aniga la ii saarayo maxaa Samiira loo soo dhibayaa

 

Farxiya:

Intaas oo eeda iyada yeelato

 

Fartuun:

Sidaa ha dhihin Dumaashideen wax eed ah kuma la aha arrinkaan

 

Qadar:

Wax yaan la ii cabsi gelin ee bal hadla maxaa sameeyey

 

Fartuun:

Aboowe wax kale ma jiro ee waxaan kuu aragnay in aad na ilaawday iskuulka marka la xero habeen ayaad magaalada casho noogeyn jirtay sidoo kale balanqaadyo xagga natiijada imtixaanka ayaad noo sameyn jirtay ma is tiri waad ilaawday.

 

Farxiya:

Haye aboowe maxaad isku difaacee 

 

Qadar:

Qaladkayga waan qaatay balse ilaawshe ma jirtee arrimaha shaqada ayaa beryahaan iska adag.

 

C/Qani oo ah wiilka kaliya ee la dashay Qadar oo meel gees ah fadhiyey ayaa sheekadii ku soo war darsaday isla markaana yiri.

 

C/Qani:

C/qadarow aniga laf ahaanteyda waxaan qabaa in isbadal kugu dhacay balse sida ay gabdhaha u sheegayaan kuma raacsani waxaanse ku dhahaayaa wax badan ayaa isbadal kugu dhacay maxaa yeelay guurkaaga kadib waxaad moodaa in farxada kaa tagtay runtii qof kale Ayaad noqotay.

 

Qadar aamusnaan ayaa ka soo hartay balse Samiira oo u aragtay in markaan iyada looga baahan yahay in ay difaacdo ayaa tiri.

 

Samiira:

Sidaas wax uma jiraan walaalkiin masuuliyada saaran ayaa weyn markii hore idinka oo kaliya ayay aheyd laakiin hadda anigaba masuuliyadeyda ayaa saaran sidoo kale shaqadana aad ayay ugu badan tahay C/Qani aboowe adiga marka aad soo weynaado ayaad dareemi doontaa sida shaqada ganacsiga ay u adag tahay.

 

C/Qani:

Lakiin aniga Aabe aniga oo yar Ayaan u sheegay in aan ganacsi rabin oo aan doonayo in aan Dhaqtar noqdo.

 

Samiira:

Maasha allah guul Ayaan kuu rajeynayaa

 

Sidii ayaa lagu kala qancay oo cid kasta danaheeda gaarka u aaday waxaana isku soo haray Samiira iyo Qadar in cabaar ah markii la kala aamusnaa ayay Samiira tiri.

 

Samiira:

Fiira Qadar in xiriirkeena uu been ku bilaawaday waxaad ka fahmi kartaa in xataa magacaaga aan aqoon bal ka waran nin aan 2 sanno jaceyl ila jilaayey labo biloodna aan xaaskiisa ahay in magaciisa aan aqoon ma ogtahay in aan weligey aaminsanaa in magacaaga uu yahay Maxamed Qadar mar haddii aad reer curad u aheyd laakiin nasiibdaro manta Ayaan maqlayaa in magacaaga uu yahay Cabdiqadar ma filaayon in addunyadaan laga soo helayo gabar iga Ayaan xun.

 

Qadar markiiba qolka waa uu ka baxay isaga oo aad isu ciil gaambinaayo waxa ay maskaxdiisa aqbali la dahay sida Samiira ayna marnaba u qaadaneynin raali gelintiisa waxa uuna abaaray qolkiisa Saalaxey oo subaxaas jiray dekada ayaa dhow jeer uu soo wacay oo uu telka ku dhageystay balse Saalax oo xilligaas ku jiray xaalad xun ayaa Samiira soo wacay kuna yiri.

 

Saalaxey:

Samiiraay ninkii Qadar ahaa xaafada miyuu joogaa telefoonka ma qabanaayo ee fadlan igu gee haddii uu joogo dhib Ayaan ku jirnaa.

 

Samiira:

Dhib side ah Saalax

 

Saalaxey:

Waa arrimo canshuurta ee fadlan telefoonka igu gee kuna dheh arrintii aad kaga digeysay ayaa uu sameeyey waana lagu qabtay ee taliyaha canshuuraadka ha soo Waco haddii kale waa la ii xerayaa.

 

Samiira markiiba kor ayay kortay oo ay telefoonka u geysay Qadar una sheegtay hadalkii Saalaxey markiiba telefoonkiisa oo aan ka fogeyn ayaa uu soo qabtay oo uu taliyahii wacay arrintii dhameeyey Samiira oo ilaa waqtigaas la joogtay ayaa tiri.

 

Samiira:

Haye ma dhameysay hadda

 

Qadar:

Haa waan dhameeyey 

 

Samiira:

Maxay tahay dhibka uu ku jiray adigana aad hore ugu digtay

 

Qadar:

Saalax waa uu dhib badan yahay mar kasta qolada canshuuraadka ayaa u been u sheegaa oo alaabta soo degtay ka yar ayaa u sheegaa dhowr jeerna waan u digay inuusan sidaan yeelin hadda waa kaas manta lagu qabtay ma og tahay in la ganaaxi lahaa lacagta uu la baxsanaayey mid ka badan marar badan waan u sheegay laakiin waa uu madax adag yahay. 

 

Samiira:

Lacagta uu badbaadiyey ma isagaa qaadanayo

 

Qadar:

Mana qaadanayo laakiin waa nin yaab leh oo si kale u fikiraayo waxa uu ku leeyahay iyagaba wadanka ayay dhacayaan anigana iyagaan dhacayaa.

 

Samiira:

Saaxiib wanaagsan ayaad leedahay laakiin mid Ayaan kuu sheegayaa runta marnaba ha iska indho tirin maxaa yeelay howl maalmeedkaaga waxba ha ku qasin xaalada noo dhaxeysa ee dhamaadka ah waxbana maskaxdaada ha mashquulin maxaa yeelay aniga marnaba diyaar uma ihi in aan nolol kula wadaago.

 

Samiira markii ay intaa tiri ayay albaabka ka baxday Qadar fajac ayaa uu la fadhiistay sariirta waxaana mooday in Samiira mar kasta ay boogta ka danqaneyso waxaad moodaa in mindida ku taagan ay ku gilgileyso Allow Amuuraha sahal oo Qadar maalin wanaagsan u keen.

 

Mursal waxa uu noqday mid lagu maadsado oo pagekiisa facebook waxa uu kasbaday asxaab badan oo ku xernaadeen hadaladiisa dareenka xambaarsan iyo catowga jaceylka ee uu soo bandhigo ayaa noqotay mid daruus laga qaata Mursal xanuunka jeceylka kama yaraado intaana cadaawga ma deeyo Falisna.

Waa Sheekadii : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com