Madaxda Bank-ga Adduunka ee Soomaaliya oo balanqaad xooggan u sameeyay DFS.

June 18 (Jowhar.com)-Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa kulan ku saabsan gurmadka abaaraha ku yeeshay madaxda ugu sareysa Bankiga Adduunka qeybtiisa Soomaaliya iyo xubno ka socday dowladda Soomaaliya uu hogaaminayay Ergeyga madaxweynaha u qaabilsan gurmadka abaaraha C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Madaxa bangiga adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson iyo xubnihii la socday ayaa warbixin dheer ka siiyay ergeyga mashaariic farobadan oo Bangiga Aduunku ka wado Soomaaliya iyaga oo sidoo kale sheegay in mashaariicda oo ahaa kaliya horumarin qaarkood loo qaabeeyay si wax uga tari karaan arrimaha abaaraha maadaama xaaladda abaaruhu daran yihiin.

Xubnaha Bangiga adduunku waxa ay si firfircooni leh uga hadlayeen howlaha kala duwan ee ay rabaan in ay Soomaaliya ka fuliyaan iyaga oo tilmaamay in ay quuddareynayaan dardargelinta fulinta mashaariicda hore loo oggolaaday.

Waxaa intaas ka dib laga dooday siyaalaha Bangiga adduunku u taageeri karo xafiiska iyo ka wada shaqeynta mashaariicda xilligaan loogu baahida badanyahay, iyada oo Bangigu gebogabodii ergeyga u ballan qaaday gacansiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More