Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay wasiiro cusub

June 05(Jowhar.com)- Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa magacaabay wasiirro cusub oo ka mid noqonaya maamulkiisa.

Sida lagu shaaciyey wareegto ka soo baxday madaxtooyada Galmudug oo nuquul ka mid ah ay BBC-du heshay, Mr. Qoorqoor ayaa magacaabay 4 wasiir, 2 wasiiru-dowle iyo 1 wasiir ku xigeen. Xubnaha cusub ee la magacaabay ayaa kala ah:

1.Cabdiweli Cabdullaahi Jaamac, Wasiirka Caafimaaadka iyo Daryeelka Bulshada

2.Cabdinuur Maxamud Maxamed, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada

3.Cabdiwahaab Sh. Abuukar Nuur, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

4.Cabdirisaaq Maxamed Jaamac, Wasiiru-dowlaha Maaliyadda

5.Cabdulqaadir Sh. Xasan Ismaaciil, Wasiiru-dowlaha Waxbarashada

6.Cabdulqadir Axmerd Maxamud, Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More