Madaxweynaha Masar El-sissi oo booqasho ku tegey dalka Jabuuti

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifattah El Sisi ayaa booqasho rasmi ah ku tegey dalka Jabuuti isagoo wadahadalo la yeeshay Madaxweynaha dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Masar ayaa wadahadal la yeeshay khamiistii dhiggiisa magaalada Jabuuti taasoo qayb ka ah isku dayga diblomaasiyadeed ee Masar ee lagu doonayo in lagu dhiso isbahaysiyo badan oo Afrikaan ah iyada oo ay jirto muran xagga biyaha ah oo kala dhexeeya Itoobiya.

Booqashada Abdel Fattah el-Sissi ee dalka Geeska Afrika ayaa ah tii ugu horreysay ee madaxweyne Masaari ah tan iyo markii Jabuuti ay ku dhawaaqday madaxbannaanida 1977.

El-Sissi iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxay isla garteen in biyo-xidheenka Itoobiya la buuxiyo oo lagu shaqeeyo “heshiis cadaalad ah oo waafaqsan” kaasoo ilaalin kara xasiloonida gobolka isla markaana ilaalin kara danaha dhinacyada oo dhan, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska el-Sissi.

Booqashadu waxay ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhexeysa Masar iyo Suudaan oo dhinac ah iyo Itoobiya oo dhinaca kale ah, oo ku saabsan biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Ethiopia ee $ 4.6 billion ee ku teedsan webiga Blue Nile, oo ah isha ugu weyn ee webiga Nile.

Masar iyo Suudaan ayaa ka cabsi qaba in kaydka biyaha ee Itoobiya uu saameyn ku yeesho saamiga ay ku leeyihiin biyaha, gaar ahaan xilliyada abaaraha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More