Madaxweyne kuxigeenada Jubaland iyo Galmuduh oo qaadacay xukuumadda cusub.

August 04 (Jowhar.com)-Madaxweyne ku-xigeennada maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaa qaadacay xukuumadda cusub ee uu todobaadkan soo dhisay ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, waxeyna saluug ka muujiyeen aaamiga beeshooda uga soo aaday wasiiradda.

Qoraal si wadajir ah ay u soo saareen Maxamuud Seyd Aadan iyo Cali Daahir Ciid ayey ku sheegeen in lagu xadgudbay awood qeybsiga beelaha, waxeyna sheegeen in talaabo arrintaasi ka dhan ah ay qaadi doonaan

“Waxa lagu xad-gudbay awood qaybsiga Beelaha Daarood.” ayaa lagu yiri warsaxaafafeed ay labada madaxweyne kuxigeen wadajir u soo saareen, kadib kulan ay arrintaasi kaga yeesheen aalada fogaan aragga ee (Zoom).

Waxa ay iclaamiyeen shir deg deg ah oo arrintaasi ka dhan ah, iyadoo shirka ay isugu imanayaan xildhibaanada labada aqal ee beesha,wasiirada uga jira maamulada Galmudug iyo Jubaland, waxgarad iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo dhawaan la soo sheegi doono goobta iyo xiliga shirka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More