Madaxweyne Xasan oo dalka Uganda tababar ugu soo xiraya ciidamo cusub

Madaxweyne Xasan oo dalka Uganda tababar ugu soo xiraya ciidamo cusub

Mar. 19 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Kambaala ee dalkan Uganda, halkaas oo uu tababar ugu soo xirayo cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka caalimaga ah ee Entebbe International Airport ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Soomaaliyeed oo si naf hurnimo leh u wajahaya dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, dhiiggoodana u huraya xoreynta dalkooda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagi doona tayada tababarrada ay qaateen guutooyinkan ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, isagoo la wadaagaya guulaha la taaban karo ee Ciidamadeennu ay ka soo hooyeen howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More