Madaxweyne Xasan oo kulamo ka bilaabay magaalada Oslo ee dalka Norwey

June 10(Jowhar.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaasi oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo saddex maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa wadahallo laba geesood ah la yeelanaya Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway.

Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago dalka Norway tan iyo markii dib loo doortay ee 15-kii May 2022, wallow uu safaro kala duwan ku tagay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub.

Xasan ayaa inta uu joogo xafiiska galay safaro badan, taasi oo qeyb ka ah dhaliilaha ay mucaarad u jeediyaan madaxweynaha, xilli gudaha ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo salka ku haysa wax ka beddelka dastuurka iyo heshiiskii u dambeeyay ee Xasan iyo madax goboleedyada

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More