Madaxweyne Xasan oo sheegay iney u yaalaan 5 arrimood oo masiiri ah

Nov 25 (Jowhar.com)-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in kalfadhigan Baarlamaanka uu horyaalo howlo Taariikhda Soomaaliyada cusub meel ka geli doono guul iyo horumar, sida uu yiri.

Waxa uu xusay in shan arrimood oo oo waa weyn oo masiiri ah ay u yaalleen saddex ka mid ah go’aan gaaristeeda ay Beesha Caalamka u yaalleen, labada kalena Soomaali sida inaan Dastuurka KMG dhameystirno iyo dagaalka Shabaab.

“Haddaan idinla kaftamo saxdexdii Beesha Caalamka go’aankeeda leedahay ayaa ka rajo wanaagsan labada kale ee aan annagga go’aankeeda leenahay” ayuu yiri madaxweynaha.

Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad soconaysay wax ku dhow saacad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 4-aad ee labada aqal ayaa tilmaamay in ilaa 800 deegaan Shabaab ay ka xoreeyeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More