Madaxweyne Zelensky:”Dagaalka Ukraine waxa uu dib ugu laabtay dalka Ruushka”

July. 30 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in dagaalkii u dhexeeyay dalkiisa iyo wadanka Ruushka uu dib ugu soo laabtay dalka Ruushka ka dib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay duqeyn ka geysteen caasimada Moscow.

Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa sheegtay in saddex diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee Ukraine la soo riday Axaddii, iyadoo laba ay ku dhaceen xafiisyo.

Gegida diyaaradaha ee Vnukovo, oo koonfur-galbeed ka xigta bartamaha magaalada, ayaa sidoo kale muddo kooban la xiray.Weerarkan oo dhacay saacadihii hore ee Axadda ayaa ah midkii ugu dambeeyay ee Moscow ay ku eedeysay Kyiv.

“Maanta waa maalintii 522aad ee waxa loogu yeero Hawlgalka Military ee Gaarka ah, kaas oo madaxda Ruushku ay moodayeen in uu socon doono dhowr toddobaad,” ayuu yiri Madaxweyne Zelensky .

“Si tartiib tartiib ah, dagaalku wuxuu ku soo laabanayaa dhulka Ruushka – xarumihiisa astaanta ah iyo saldhigyada milatariga, tani waa lama huraan, dabiici ah oo caddaalad ah.”ayuu sii raaciyay.

Saraakiisha ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaawac ah oo ka dhashay weerarka diyaaradeed, duqa magaalada Sergei Sobyanin ayaa sheegay in afaafka hore ee laba dhismo oo xafiisyo ah ay soo gaareen burbur yar.

Sawiro laga soo qaaday halka uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya in dhowr daaqadood ay waxyeelo soo gaartay geesaha dhismayaasha, iyadoo burburku uu daadsanaa dhulka hoose.

Mid ka mid ah goobjoogayaasha oo magaceeda ku koobay Liya ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay inay arkaysay dab iyo qiiq.

“Waxaan maqalnay qarax, wuxuuna u ekaa sidii mowjad, dadka oo dhan ayaa booday,” ayay tiri.”Markaa waxaa jiray qiiq badan, waxna ma aad arki karin, xagga sare waxaad ka arki kartay dab.”

Duulimaadyadii ayaa muddo kooban hakad ku jiray garoonka Vnukovo, oo ku yaalla koonfur-galbeed ee bartamaha magaalada, waxaana diyaaradaha imaanaya loo weeciyay garoomo kale.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga ayay ku sheegtay in isku day weerar argagixiso laga hortagay.

Moscow, oo ku taal meel 500km (310 mayl) u jirta xudduudda Ukraine, ayaa dhif iyo naadir ah in la beegsado tan iyo markii Ruushku bilaabay duulaanka buuxa ee Ukraine bishii Febraayo 2022.

Balse Ruushka ayaa ku eedeeyay Ukraine inay bilihii la soo dhaafay duqeymo isdaba joog ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku qaadeen dhulkooda, oo ay ku jiraan dhowr weerar oo ka dhacay caasimadda.

Weerarkii ugu weynaa ayaa dhacay bishii May, markii Ruushku uu sheegay in Ukraine ay adeegsatay laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn si ay u weerarto Kremlin – oo ah bartamaha magaalada.Ukraine ayaa beenisay in ay weerartay aqalka Kremlin-ka ama ay bartilmaameedsatay madaxweyne Vladimir Putin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More