Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Galgaduud oo la kala qaaday

June 09(Jowhar.com)- Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamadda dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku guuleysteen iney kala qaadaan maleeshiyo beeleed shalay ku dagaalanay deegaanka Laandheere oo u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kala qaadista maleeshiyadan uu hormuud u ahaa taliyaha ciidanka Nabadsigida iyo Sirdoonka maamulka Galmudug Faysal Canood.

Xaaladda maanta ayaa ah mid dagan waxaana socda dadaalo la doonayo in heshiis lagu kala dhex dhigo beelaha Mareexaan iyo Dir ee dirirtu u dhexeyso, taasoo ay gadaal ka riixayaan madaxda dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug.

Dagaalkii shalay waxaa ku naf waayay dad ka badan 50 ruux, halka dhaawaca ui gaarayo 60, iyadoo uu socday 10 saacadood oo xiriir ah.

Si kastaba, Dagaaladan u dhexeeya beelahaan oo marar badan soo laalaabtey ayaa salka ku haya murun la xariira dhul daaqsimeed iyo aanooyin qabiil.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More