Maraykank oo markale duqeyn ka geystey gobolka Mudug

Diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka ayaa maanta markale duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaan ay saldhig ku lahaayeen dagaalamayaasha Alshabaab.

Duqeyntan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay duleedka Qeycad ee gobolka Mudug.
War saxaafadeed kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lala eegtay goob ay ku sugnaayeen Al Shabaab uuna kasoo gaaray khasaaro kala duwan.

“Duqeyntan waxaa lagu bur buriyay goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al Shabaab waxaana lagu wiiqay awoodii Al Shabaab ku lahaayeen deegaankaas.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowlada federalka.

Duqeynta ay diyaaradaha Maraykanka ka fuliyeen gobolka Mudug ayaa ah kii saddexaad ee ay ka fuliyeen toddobaadyadii la soo dhaafay.

Dhowaan ayaa wasiirka gaashaandhiga Maraykanka waxa uu sheegay in duqeynta ay ka fulinayaan gobolka Mudug uu yahay mid ay ku taagerayaan ciidamada dowlada ee howlgalada ka wada Galmudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More