Maraykanka oo ku dhawaaqay inuu xayiraad ku soo rogay xubno ka tirsan madaxda Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ugaga mamnuucday mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale oo madax u soo noqday kuwaasoo lagu eedeeyay inay wax u dhimayaan hannaanka dimuqraadiyadda ee Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xannibaadda fiisaha ay khusayso kuwa dhiirigeliyay oo ku hawlan qalalaasaha ka dhanka ah dibad-baxayaasha, cabsi gelinta suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, iyo ku takri-falka hannaanka doorashada.

“Dariiqa ugu wanaagsan ee lagu gaari karo nabad waarta oo Soomaaliya ka dhacda waa iyada oo si degdeg ah loo soo gabagabeeyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo,” ayuu yiri Blinken.

“Madaxda qaranka iyo madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya waa in ay raacaan ballan-qaadyadooda ah in lagu soo dhameystiro hannaanka baarlamaanka si lagu kalsoonaan karo oo daah-furan ugu dambeyn 25-ka Febraayo,” ayuu raaciyay.

“Maanta oo ay ku beegan tahay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii uu dhammaaday muddo xileedkii madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhawaaqayaa dhaqangelinta siyaasadda ku xusan qodobka 212 (a) (3) (C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha ee xaddidaya bixinta fiisaha mas’uuliyiinta hadda ama kuwii hore ee Soomaaliya ama shakhsiyaadka kale ee la aaminsan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ku hawlan yihiin, wiiqista geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Soomaaliya oo ay ku jiraan rabshado ka dhan ah dibad-baxayaasha, xarigga aan cadaalad ahayn, cabsi gelinta suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, iyo wax isdaba marinta habraaca doorashada.” ayaa lagu jiri Bayaankan.

Warkan ka soo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu yiri “Siyaasaddan ayaa lagu dabbaqi doonaa shakhsiyaadka door ka qaatay habraac-xumada wiiqday hannaaka doroashada, kuwaas oo ka gaabiyay gudashada waajibaadkii ka saarnaa hirgalinta doorashooyin hufan oo wakhtigooda ku dhaca, geystayna caga jugleyn, xarig iyo tacadiyo ka dhan ah suxufiyiinta iyo xubnaha xisbiyada mucaaridka ah”

Bayaankan ayaa intaas ku daray xayiraaddan oo sidoo kale ay sidoo kale saameyneyso qoysasaka shakhsiyaadkan oo aan magacoodaa la shaacin.

“Hoggaamiyayaasha heer qaran iyo heer federaal ee Soomaaliya waa inay fuliyaan ballan qaadkooda ahaa in lagu soo dhameystiro hannaanka doorasho hufan oo lagu lagu kalsoonaan karo ee baarlamaanka 25-ka Febraayo, taas oo sii adkeyneysa gundhigga dowladanimada Soomaaliya. Mareykanka wuxuu si xooggan u taageerayaa dadka Soomaaliyeed, waxaana naga go’an inaan ka wada shaqeyno horumarinta dimuqraadiyadda iyo barwaaqada labada dal” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka dowladda Mareykanka.

Bayaanka ka soo baxay dowlada Maraykanka aya ku soo beegmaya sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii ay dhamaatay muddo xilleedkii Madaxweyne Farmaajo isla markaana wax ka yar labo toddobaad ay ka harsan tahay mudadii lagu heshiiyay in lagu soo dhamaystiro doorashada golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More