Mareykanka iyo Kenya oo ka arrinsaday amniga Soomaaliya iyo dagaalka Shabaab.

May 17 (Jowhar.com)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan gaar ah oo qasriga madaxtooyada ee Nairobi ku dhexmaray Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo taliyaha ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika Jeneraal Stephen Townsend.

Kulanka waxaa diirada lagu saaray nabadda iyo ammaanka gobolka Geeska Afrika, iyadoo si gaar ah loogu faaqiday arrimaha Soomaaliya iyo sidii la isaga kaashan lahaa kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ku haya danaha labadaasi wadan.

“Waxaan ka mahadcelineynaa shaqada aan sameynay annaga oo kaashanayna Taliska Mareykanka ee Afrika ee ku saabsan nabadda iyo ammaanka gobolka. Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno iskaashiga,” ayuu madaxweyne Kenyatta u sheegay Gen. Townsend.

Si kastaba, kulankan ayaa ku soo aadaya xili Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu saxiixay amar u ogolaanaaya milateriga dalkiisa in ay mar kale boqolaal ka mid ah ciidamada howlgallada gaarka ah fuliya la geeyo Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More