Mareykanka oo ka digay weeraro beri ka dhici kara Muqdisho

Apr 08 (Jowhar.com)-Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay heshay xog ah in weeraro Argagixiso ay ka dhici karaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

war ay baahisay safaarada Mareykanka ayaa lagu sheegay in gaar ahaan la beegsan karo goobaha kala ah, dekedda, koontaroolada, xarumaha dawladda, hoteelada, makhaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan ajaaniibta reer galbeedka ah.

Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho, oo baahisay warbixintan digniinta ah ayaa sidoo kale shaqaalaheeda u dirtay wargelin ay ugu sheegayso in la joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada safaaradda berri oo Talaado ah 9 April, mana jirto cid ka bixi karta ama soo geli karta dhismaha safaaradda, waxaana looga digay saraakiisha Mareykanka inay berri usoo safraan Muqdisho.

Weerarada ayay US in loo adeegsan karro, qaraxyada baabuurta, is-qarxinta, weerar toos, iyo madaafiic.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More