Maxa sababay Madaxwayne Siyaad booqasho ku tagay Dimishaq iyo Baqdaad 1978

December 1978  ayuu Madaxwayne Siyaad booqasho ku tagay Dimishaq iyo Baqdaad , Madaxwayne  Xaafid Al Asad iyo Saddaam Xussein labaduba waxay Madaxwaynaha u sheegeen inay cadaadis kala kulmeen  Moosko oo diidan in hub lagu taageero Dawladda Soomaaliyeed oo markaa Xabashi kula jirta Dagaal gobanimo.

Saddex bilood ka hor safarka Siyaad waxay Soofiyeetku la wareegeen laba shixnadood oo nooga imaan lahaa Suuriya iyo Ciraaq oo xoogaa saanad ciidan ah waday , warka in lala wareegay shixdanaas waxaan ahaa sarkaalkii ay NSS u xil saartay in Madawayne Siyaad deg deg loogu sheego waxaan u galay asagoo ay wada fadhiyeen M Cali Samater , Markaan warkii dhagta ugu dhibciyay  intaan dhaqaaqin intuu sigaar shitay buu yiri ‘’Caloow Carab xor maaha  Calamada ay wattaan waa astaan uu gumaysigu ku kala aqoon sado ‘’

Waxaa aad u badnaa kala shakiga iyo isku dhaca siyaasadeed  dawladaha Carabta oo kala raac sanaa bari iyo galbeed , Madaxwayne Siyaad marna dhinac lama jirsan , mar walba Dal oo laba Carab ahi xurguf dhex marto wuxuu NSS ka dalban jiray xog hor dhac ah si uu labada hoggaamiye ee labadas dal telifoon ugu diro uguna sheego inay Soomaaliya diyaar u tahay gogol nabadeed inay u fidiso.

Wasiirkii Ganacsiga Dalkeena Axmed Siilaanyo ayuu Madaxwayne Siyaad farriin ugu dhiibay laba Dal oo Carab ah oo xurgufi dhex taallay dharaarahaasna  uu Wasiir Siilaanyo booqanayay farriin ahayd inay Soomaaliya diyaar u tahay Gogol Nabadeed inay u fidiso ,. Siyaad markuu hadalkii dhameeyay  ayuu si kaftan ah u raacshay , waxba yaanay aqbalin hadday rabaane , dhex inaan ka nahay muran kooda ha ogaadaan .

Dalka Yemen wuxuu  Siyaad rumaysnaa in dhib kasta oo ka dhaca Yemen ay Soomaaliya saamayn dhan walbaa ku yeelan karto , wax walba oo Yemen u hagaagana ay ka dhigan tahay wax Soomaali u hagaagay , dharaar uu nala hadlayay anagoo Saraakiil NSS ah inta bandanna ahaa xog aruuriyahaasha dunida Carabta waxaa ka mid ahaa hadaladiisii ‘’Yemen waa Gobta Carabeed ’’.

F Xiirane ( N.S.S 1976-1991 )
fahiira@gmail.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More