Maxey ka wada hadleen Xasan Sheekh iyo  Isaias Afwerki?

Nov 13 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed la qaatay Madaxweynaha dalka Eretariya Mudane Isaias Afwerki oo ay ka wada qeyb-galeen Shirka Sacuudiga iyo Afrik ee Riyaad.

Labada Madaxweyne oo ka wada halday xaaladda gobolka ayaa adkeeyey xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo dhiggooda Ereteriya, waxayna isla qaateen in la sii xoojiyo, wadajirna loo wajaho caqabadaha ay wadaagaan labada dal.

Eritrea ayaa kamid ah dalalka ciidamada u tababara Soomaaliya, waxaana weli dalkaas ku maqan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku jira xeryaha dalkaasi.

Kulamadaan uu madaxweyne Xasan Sheekh kula qaatay magaalada Riyaad madaxda kala duwan ayaa imaanaya, iyadoo madaxweynuhu uu dalka Sacuudiga uu uga qeybgalay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More