Maxkamada ciidamada oo xukun adag ku riday Jen.Sheegow iyo askarta la xiran

Sheegow Axmed Cali waxaa lagu Xukumay Bixinta Diyada Sakariye maxamed Cali oo ku baxay Fal-celintiisa iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay.

Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed ) taliyaha maleeshiyada Horjooge Sheegow ayaa isna lagu Xukumay Dil-toogasha ah, waxa uuna ku dilay jowhar Maxkamad ku taal laba eedeysane February 13-keedii sanadkan.

18 kale oo isla kuwii dagaalamay ayay Maxkamadda ku Xukuntay min 6-Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Laba dhac gaystay ee fowdada ka bilaabatay ayaa iyana lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Bixinta Telefoon-dii ay dhaceen.

Deeqow maal geliyaha kooxdan oo aan lahayn Diiwaan Ciidan ayaa lagu xukumay 3-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sidaas waxaa lagu daabacay goor dhawayd mareegta Garsoor oo ah isha warbaahineed ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More