Maxkamada Ciidamada oo xukuno ku ridey askar dil geysatay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aaad ee Soomaaliya ayaa xukuno kala duwan ku ridey saddex eedeysano oo lagu helo dambiyo ay galeen.

Maxkamada ayaa ku xukuntay Dable Boolis Axmed Xuseen Cumar iyo Dable xoogga Cabduqaadir Faarax Dhaqane dil toogasho halka Eedeysanaha Saddexaad lagu xukumay in uu bixiyo 100 Halaad oo ah magta Saadaam Diiriye Ibraahim, isla markaana dilkaasi uu ahaa mid si kedis ah ku dhawacay.

Dable Boolis Axmed Xuseen Cumar ayaa lagu helay dilka Farxaan Xasan Mahad oo Shacab ahaa halka Dable xoogga Cabduqaadir Faarax Dhaqane lagu helay dilka Mowliid Baashe Cumar & mid kamid ah Eedeysanayaasha oo loo heysto dilka Saadaam Diiriye Ibraahim

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aaad Maxamed Amiin Cabdulle Aadan ayaa sheegay in xukun sanayaasha ay muddo 30 Cisho gudahood ah fursad u heystaan inay racfaan qaataan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More