Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo wax dambi ah ku weysay Agaasimayaashii wasaarada Shaqada

Screenshot

Jun 04(Jowhar.com)-Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa Cabdullahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar ku waysay dhammaan eedeymihii musuq maasuqa ee xafiiska xeer ilaalinta uu ku soo eedeeyay.

Labadaan masuul ee maanta dembiga lagu waayey ayaa horay u soo qabtay xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, waxaana horay sidaan oo kale dambi ugu waysay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay eedeysane Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, kadib markii lagu helay in akoonkiisa la dhigay lacago loogu talagalay qasnadda dowladda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More