Mid kamida ganacsatda kasoo jeeda Kofur Galbeed oo lagu dilay Boosaaso

Dec 04 (Jowhar.com)-Ibraahim C/raxmaan Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada caanka ah ee kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed ayaa lagu dilay saaka Magaalada Boosaso.

Allaha unaxariistee Marxuumka ayaa madax u ahaa bulshada kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed ee ku sugan Gobolka Bari.

Jimcihii lasoo dhaafayna waxaa gurigiisa lagu dhexdilay Khadar Cabdi Cali oo ahaa Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaali Galbeed ee Puntland.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Bari ilaa hadda kama hadlin dilalkaan qorsheysan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More