Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qaatay Shahaadada Musharaxnimo ee Golaha Shacabka

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa siiyay shahaadada musharaxnimo ee kursiga HOP#138 Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ahna musharax madaxweyne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo taageere xoog leh ku leh magaalada Dhuusamareeb ayaa guddoomay shahaadada iyadoo sidoo kale uu guddigu ku wareejiyay shahaadada musharaxnimo Naciimo Xuseen Cali oo kula tartami doonta kursiga.

Hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan in ay Naciimo Xuseen Cali u tanasuli doonto Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo muddo dheer ahaa mucaaradka madaxweyne Farmaajo.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay noqotay magaalada ay doorashada ku soo wadabaxaan mucaaradka iyo muxaafadka Madaxweynaha xiligu ka dhamaaday ee Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Qaadashada shahaadada Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku soo beegantay iyadoo uu ka tanaasulay musharaxnimada kursigaa Cabdinaasir Cabdi Caruush oo ka mid ahaa musharaxiinta dooneysay kursigan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More