Muwaadin kale oo Soomaaliyeed oo si argagax leh loogu dilay dalka Canada

Mar. 23 (Jowhar.com)-Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa lagu dilay wiil Soomaali ah, sidoo kale waxaa la dhaawacay laba qof oo la socotay, walow aysan boolisku shaacin halka ay asal ahaan kasoo jeedaan.

Laakiin waxaa jira warar sheegaya in mid kamid ah labada qof ee la dhaawacay uu Soomaali yahay.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Madar Xasan oo 21 jir ahaa ayaa la toogtay isagoo ku sugnaa goob laga dukaameysto oo ku taala bariga magaalada Toronto.

Saraakiisha laamaha amaanka ayaa Axmed Maxamed iyo Samiir oo 21 jiro ah usoo xiray kiiskan, iyadoo ay soo bexeen tuhuno muujinaya iney door ku lahaayeen weerarkan, booliska ma shaacin sawirrada labadan qof iyo wadamada ay u dhasheen.

Baarayaasha ayaa ka codsanaya dadkii ka agdhawaa goobta weerarka uu ka dhacay iney la xiriiraan laamaha amaanka oo ay bixiyaan xogaha ay hayaan si ay u fududaato in gacanta lagu soo dhigo danbiilayaasha.

Si kastaba, dilka wiilkam Soomaaliga ah ayaa kusoo beegmaya xili Usaama Ibraahim oo ahaa muwaadin kale oo Soomaaliyeed oo todobaadkii hore lagu dilay magaalada edmonton shalay uun lagu aasay magaaladaasi.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More