Nabadoon caawa lagu diley magaalada Beledweyne

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in caawa lagu diley Nabadoon Cabdi Xuseen Coloow oo kamid ahaa Odayaasha dhaqanka magaalada Baladweyne kuwa ugu caansan.

Nabadoonka ayaa lagu diley meel ku dhow gurigiisa isagoo ka soo laabtay masjid u dhowaa oo uu salaada maqrib ku soo tukaday.

Waxaana sidoo kale ku dhaawacmay rasaasta lagu diley nabadoonka wiil yar oo la sheegay inuu ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka lagu diley nabadoonka.

Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdi Xuseen ayaa degenaa xaafada Buundoweyn oo ka mid ah xaafadaha magaalada Beledweyne.

Dilka nabadoonkan ayaa waxaa uu dhacay xilli ammaanka magaalada Beledweyne aad loo adkeeyay oo uu ku sugan yihiin madaxda ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More