18 Caruur ah oo lagu dilay toogasho ka dhacday dalka Mareykanka

May 25 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa toogasho dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Uvalde gobalka Texas ee dalka Mareykanka.

Sida wararka la helayo ay sheegayaan, 19 qof ayaa ku geeriyootay toogashadan, dadka dhintay 17 kamid ah waa caruur dhiganeysay Iskoolkan, halka labada qof ee kalana ay ahaayeen Macalimiin wax ka dhigeysay dugsiga weerarka lagu qaaday.

Wararka waxetly kaloo sheegayaan in Eedeysanaha falkaan gaystay da’diisa ahaa 18 jir, kaas oo ku noolaa agagaarka magaalada Uvalde,magaciisuna waa Salvador Ramos sida la baahiyay. Wararku waxay sheegayaan inuu dhintay ninka toogashada gaystay waxaana loo malaynayaa inay toogteen boolisku.

Caruurta la laayay ayaa da’dooda lagu sheegay iney u dhexetsay 7 ilaa 10 jiro, iyagoo dhiganayay fasallada labaad, saddexaad, iyo afraad, sida saraakiisha caafinaadka ay sheegeen.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amar ku bixiyay in hoos loo dhigo calanka sababo la xiriira dhacadadaan lagu laayay carruurta yaryar

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More