Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay wafdi ka socda Beesha Caalamka

275

Madaxweynaha  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa la kulmay wafdi uu hogaaminayey Ergayga gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya  Ambs James Swan, oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan wakiilada beesha caalamka sida;wakiilka Midawga Afrika, iyo wakiillo ka socday EU iyo IGAD.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ku wehlinayay kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada Galmudug iyo Xubno kale.

Kulanka ayaa diiradda waxaa lagu saaray dardargelinta Arrimaha amniga, doorashooyinka, bini aadanimada iyo xaalada guud ee Galmudug iyo Soomaaliya.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay wadeen kulamo ay la yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyadoo wadahadaladana ay ahaayeen kuwa diirada lagu saarayo arimaha doorashooyinka.