Xubno ka tirsan Golaha Ammaanka QM oo Nairobi ku shiraya

US-
832

Diblomaasiyiin ka socda saddexda wakiil ee Afrika iyo kuwa Caribbean-ka ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ku shiraya Nairobi, si ay uga shaqeeyaan ajande mideysan, xilli qaaradda Afrika ay wajahayso saddex dhibaato oo aad u muhiim ah.

Diblumaasiyiinta ka socda Kenya, Tunisia, Niger iyo Saint Vincent iyo Grenadines, oo inta badan looga yaqaan gudaha UN-ka A3 Plus 1 ayaa ka shiraya ajande guud oo ku saabsan nabadda iyo amniga.

Arrimaha sida gaarka ah looga hadlayo ayaa ka mid ah xaalada Itoobiya, arrinta wabiga Nile ee muranka u dhaxeeya dalalka Itoobiya, Sudan iyo Masar.

Xoghayaha Guud ee Arimaha Dibada Kenya Macharia Kamau ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xubnaha ay istiraatiijiyad u dejineyso “fulinta waajibaadkeeda nabadeed iyo mid amni labadaba Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Nabada iyo Amniga ee Midowga Afrika (AUPSC).”