3 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu dooranayo Baydhabo

1,115

Guddiga maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) ayaa shaaciyay qabashada 3 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka. Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa waxaa ay kala yihiin, HOP#182 oo uu ku fadhiyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, HOP#170 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Iimaan Cabdullaahi Cali iyo HOP#171 oo ay ku fadhiday Fowsiya Maxamed Sheekh.

Dhawaan ayaa guddiga doorashada Koofurgalbeed waxaa ay shaaciyeen illaa 11 kursi oo ah kuraasta ugu horeysa ee lagu dooranayo magaalada Baydhabo.

Afar kursi oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu soo doortay magaalad Dhuusamareeb toddobaadkan, iyadoo sidoo kale la filayo in kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka maalinta sabtida ah lagu doorto Dhuusamareeb.

Hase yeeshee waxaa afarta kursi ee lagu doortay Dhuusmareeb ay ahaayeen kuwo aan si weyn loogu tartamin oo la sii ogaa xildhibaanada ku soo baxaya.

 

3 kursi oo ka mid ah golaha shacabka oo lagu dooranayo baydhabo