Faahfaahin dagaal saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

1,301

Ciidamo Boolis ah iyo ciidamo milatari ay saaka ku dagaalamay xaafad ka mid ah degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Rasaasta iskahorimaadka ayaa la maqlay qaybo badan oo ka mid ah magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho iyadoo aan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in dad ku dhaawacmay dagaalka la geeyay isbitaal Digfeer.

Dagaalka ayaan la ogeyn sababta keentay hase yeeshee warar la helayo ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo lahaansho dhul ku yaal halkaas.

Isu socodka dadka iyo gaadiidka deegaanada u dhow dhow halka uu dagaalku ka dhacay oo ayaa hakad ku yimid.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowlada kuwaasoo ku dul dagaalama deegaanada ay dadka shacabka ah ku nool yihiin.