Munaasabad ay ku qalinjebinayeen dufcadda 17aad ee Jaamacada SIMAD oo lagu qabtay Muqdisho

294

Jaamacadda SIMAD ayaa maanta qabatay Xafladda Qalinjebinta dufcadda 17aad ee ka aflaxda jaamacadda. Ardayda qalinjebinaysay oo gaaraysay ilaa 500 oo arday ayaa isugu jiray dhamaan kulliyaddaha kala duwan oo ay jaamacaddda ka kooban tahay.

Munaasabaddda waxaa goobjoog ka ahaa marti heer sare ah oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Midowga Jaamacaddaha Africa, Prof. Dr. Bakri Osman Saeed iyo wafdi uu hogaaminaayo; Sii Hayaha Xilka Gudoomiyaha Xafiiska Direct Aid Somalia, Mohamed Sheikh Bashir; maamulka, macalimiinta, iyo shaqaalaha Jaamacadda; iyo weliba ardayda iyo waalidiintooda.

Xafladda oo si heer sare u dhacday ayaa wax ka hadlay Guddoomiyaha SIMAD, Mudane Daahir Xasan Carab isaga oo ku dheeraday ahmiyadda ay munaasabadda leedahay. Gudoomiyaha ayaa sheegay in markii ugu horaysay ay Jaamacadda SIMAD ka qalinjebinayaan Dufcaddii 1aad ee Kulliyadda Caafimaadka. Dhaqaatiirta qalinjebisay oo gaaraysa 17 arday ayaa dhamaantood waxaa shaqaalaysiisay Jaamacadda SIMAD ayaga oo ka hawlgeli doona Isbitaalka Jaamacadda SIMAD ee Dr. Sumait Hospital iyo weliba Kulliyadda Caafimaadka.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ardayda kula dardaarmay in ay goobaha shaqada la tegaan aqlaaq suuban, tacaamul wanaagsan, iyo weliba xirfaddo heer sare ah.

Sidoo kale waxaa xafladda ka hadlay Mudane Mohamed Sheikh Bashir oo metalayay Xafiiska Direct Aid ee Soomaaliya. Mudane Mohamed ayaa sheegay in hay’ada ay mar walba garab taagantahay Jaamacadda SIMAD hadana ay qorshaynayaan in jaamacadda ku caawiyaan mashaariic waawayn oo ay ugu horayso in la dhiso Isbitaal ka mid noqon doona kuwa ugu waa wayn magaaladda Muqdisho.

Ugu dambeyn, xafladda qalinjebinta waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Midowga Jaamacaddaha Africa, Prof. Dr. Bakri Osman Saeed. Guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyey in uu ku faraxsanyahay soo booqashadiisa Soomaaliya markii ugu horeysay, waxa uuna sidoo kale la wadaagay hambalyo iyo bogaadin, waxa uuna u rajeeyey dhamaantooda guul. Sidoo kale, Guddoomiye Prof. Dr. Bakri ayaa lagu sharfay in uu shahaadooyin Dhammaan ardayda qalinjebinaysa ayaa maray masraxa si ay u helaan shahaadooyinkooda.

Jawiga xafladda oo ahaa mid ay ka muuqato farxad iyo raynrayn aad iyo aad u saraysa ayaa kusoo gebageboobay si guul ah.