Faransiiska oo dib ugu yeertay safiiradii ka joogay Maraykanka iyo Australia

1,499

Faransiiska ayaa sheegay inay dib ugu yeerayaan safiirradoodii Mareykanka iyo Australia si ay wadatashi ula yeeshaan, kadib markii ay heshiis amni gaareen dowladaha Maraykanka,Australia iyo weliba UK.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Faransiiska ayaa sheegay in go’aanka ay gaareen uu yahay mid ka dhashay xaalada adag ee ka soo cusboonaaday arrimaha ammaanka.

Isbahaysi ay sameysteen saddexda dal ee Maraykanka,Australia iyo Uk ayaa loogu magac daray Aukus,waxana Australa laga caawinayaa sameysashada gujisyada quwadda nukliyeerka ku shaqeeya.

Tallaabadan ayaa ka caraysiisay Faransiiska kadib markii ay meesha ka saartay heshiis balaayiin dollar ah oo ay Australia la gashay.

Heshiiska ayaa si weyn loogu arkaa inuu yahay dadaal looga hortagayo saameynta Shiinaha ee Badda Koonfurta Shiinaha ee lagu muransan yahay.

Waxaa Arbacadii shaaciyey heshiiskan Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson iyo dhiggiisa Australia Scott Morrison.

Faransiiska ayaa lagu wargeliyay isbahaysiga saacado uun ka hor inta aan lagu dhawaaqin.
Hadal uu soo saaray gelinkii dambe ee Jimcihii, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa ku tilmaamay heshiiska “mid dhabarka laga toogtay”, waxana uu sheegay in safiirada dib loogu yeerayo kadib codsi ka yimid Madaxweyne Emmanuel Macron.

Xoghayaha arrimaha gudaha Mareykanka Antony Blinken ayaa Faransiiska ku tilmaamay “saaxiib muhiim ah” wuxuuna sheegay in Washington ay weli “si dhow” ula shaqeyn doonto Paris.