Guddi ku baaqay in musharaxiinta cabasho qaba ay dacwadahooda u soo gudbiyaan

895

Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa ugu baaqay musharaxiinta Barlamaanka in wixii tabasha ah ee ay qabaan u soo gubiyaan Guddiga iyadoo guddigu ka jawaabay eedayn Midowga Musharaxiinta ujeediyeen guddiyada doorashada, taasi oo ku saabsan in kuraasta la boobayo.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta khilaafaadka mudane Maxamed Ibraahim.Barre ayaa tilmaamay in musharax kasta oo tabanayo cabasho ay u garnaqi doonaan oo aysan ogolaan doonin in muwaadin kasta aan la duudsiin doonin xaquuqdooda aas aasiga ah ee ku saabsan inuu wax doorto ama la doorto.

“Musharax kasta waxaan ka codsaneynaa in cabashadooda ay anaga toos noo soo marsiiyaan oo aysan la aadin baraha bulshada”. ayuu yiri Mudane Maxamed Ibraahim Barre.

Warkan ka soo baxay guddiga xallinta khilaafadka ayaa ku soo beegmaya xilli musharaxiin badan ay sheegeen in loo diiday inay tartamaan,waxaana ugu dambeeyay musharaxiinta cabashada ka muujiyay doorashada guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.