Saddex bil oo lagu kordhiyay howlgalka la dagaalanka burcadeeda xeebaha Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo saddex bil ah ku kordhiyay howlgalka la dagaalanka burcad badeeda xeebaha Soomaaliya.

Fadhi uu yeeshay Golaha Ammaanka ayaa warbixin looga dhageystay wadamada ku bahaboohay Ciidamada ilaaliya Biyaha Caalamiga ee Xeebta Soomaaliya.

Kulanka Golaha Ammaanka ayaa waxaa ka qeybgalay Danjiraha u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) isagoo soo bandhigay macluumaadka howlgallada la dagaalanka burcadda iyo heerka halistooda maanta ay joogto.

Danjire Abuukar ayaa sheegay in 4tii sanno la soo dhaafay aanay jirin afduub ama weerar ay sameeyeen kooxaha burcad badeeda sidaas awgeed Dowladda Federaalka ay dalbaneyso in si kale looga faaiideysto howlgalkaan.

Golaha Ammaanka ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay in Ciidamada caalamiga ah loo kordhiyo Saddex bil (90 Cishe) si howlgalkooda la dagaalanka Burcad badeeda lagu qiimeynayo heerka ay gaarsiisan tahay awoodda Kooxaha wax afduubta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More