Midowga Musharaxiinta oo shir ku saabsan Badbaado Qaran 2 uga furmay Muqdisho

1,216

Midowga Musharaxiinta ayaa maanta uga bilowday magaalada Muqdisho shir looga hadlayo wajiga labaad ee badbaado qaran.

Todobaadkii hore ayaa Midowga Musharaxiinta waxa ay ku tilmaameen doorashooyinkii dhacay inay ahaayeen doorasho boob ah oo aan dalka lagu fiirsan karin, ayna qaadacayaan.

Shirkan wajiga labaad ayay uga hadlayaan qaab dhismeedka Gole cusub oo ay yeelan doonaan, iyadoo qorsheynaya inay bilaabaan kacdoon la mid ah midkii Badbaado Qaran oo kale ee looga hortagay muddo kororsigii labada sano.